Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Olimbikada Adduunka oo guddoomiye cusub doortay.

0
Wednesday September 11, 2013 - 12:37:26 in Wararka Dibadda by Super Admin
  • Visits: 2638
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Olimbikada Adduunka oo guddoomiye cusub doortay.

    Thomas Bach oo u dhashay dalka Jarmalka horeyna u ahaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga olimbikada adduunka (IOC) ayaa loogu doortay magaalada Bounes Aires ee dalka Argentine in uu noqdo guddoomiyihii sagaalaad ee hogaamiya hay’adda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Thomas Bach oo u dhashay dalka Jarmalka horeyna u ahaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga olimbikada adduunka (IOC) ayaa loogu doortay magaalada Bounes Aires ee dalka Argentine in uu noqdo guddoomiyihii sagaalaad ee hogaamiya hay’adda ugu wayn sportga dunida ee IOC da.

Thomas Bach ayaa tartankan oo laba wareeg ahaa waxa uu uga guulaystay saaxiibadiisa kale oo kala ahaa Sergey Bubka (Ukraine), Richard Carrion (Puerto Rico), Ser Miang NG (Singapore), Denis Oswald (Switzerland) iyo Ching-Kuo Wi (China-Taipei).

Guddoomiyaha cusub ee GOA oo doorashada ka dib ka hadlay halkaasi ayaa uga mahadceliyey guddoomiyihii hore kalsoonidii wanaagsanayd ee uu tusay mudadii uu xilka hayey iyo harumarka wanaagsan ee uu ku hogaamiyey hay’addan mudadii 12 ka sanadood ahayd ee uu hayey xilka guddoomiyanimada.

“Ugu horeyn waxa aan jeclahay in aan idinkaga mahadceliyo aaminaadda aad igu aaminteen xilkan, waxaan kaloo u mahadcelinayaa asxaabtii igula tartantay xilkan kuwaasoo aan u hayo xushmad badan, waxaan ku hogaamin doonaa hay’addan sida ugu haboon ee aan u arko waanan dareensanahay mas’uuliyada uu xambaarsan yahay xilkani” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee IOC Thomas Boch.

“Waxaan rabaa in aan idiin caddeeyo in aan guddoomiye u ahay dhamaantiin, waxaanan isku dayi doonaa in aan miisaan wanaagsan ku sameeyo sidii aan idiin hogaamin lahaa waana taas midda aan u rabo in aan idiin dhagaysto isla markaana ka wadahadalno arimaha hay’addan dhamaantiin” ayuu si kalsooni leh ugu daray guddoomiyaha cusub ee IOC Thomas Bach

Guddoomiyaha cusub ayaa badali doona guddoomiyihii hore ee hay’addan Jaqcues Rogge oo xilkan hayey muddo 12 sanadood ah waxaana guddoomiyaha cusub uu xilkan hayn doonaa muddoo sideed sanadood ah asagoo mar kalena isku soo taagi kara xilka muddo afar sano ah oo kaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.