Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Olombikada Soomaaliya oo qado shafar sagootin ah u sameeyey khabiirka kasocdey FIBA,IOC +Sawiro

0
Sunday March 09, 2014 - 13:07:19 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olombikada Soomaaliya oo qado shafar sagootin ah u sameeyey khabiirka kasocdey FIBA,IOC +Sawiro

    Iyadoo mudo todobaad ah magaalada Muqdisho uu ku sugnaa khabiir ka socda Xiriirka kubadda koleyga aduunka ee FIBA oo lagu magacaabo Lubamir kotleba oo u dhashey dalka Slovakia isla markaana xubin ka ah gudiga Olombikada caalamka ee IOC ayaa hey&acir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo mudo todobaad ah magaalada Muqdisho uu ku sugnaa khabiir ka socda Xiriirka kubadda koleyga aduunka ee FIBA oo lagu magacaabo Lubamir kotleba oo u dhashey dalka Slovakia isla markaana xubin ka ah gudiga Olombikada caalamka ee IOC ayaa hey’adda ugu sareeysay Sportiga dalka ee GOS waxaa ay u sameeyeen qado sharaf lagu sagootinayey oo ka dhacdey Hotelka Shamow ee Muqdisho.

Qado sharafta ay GOS ku sagootinayeen khabiirkaasi ayaa waxaa goob joog u ahaa sidoo kale Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi,Xaaji Maxamed Colow oo ah GXSF iyo madaxa GOS ee qilaafaadka,GXKG Maxamed Xuurshe Eenow,gudoomiye ku xigeenada XSKK, Cali Xasaniyo Xaawo X/taako,Xoghayaha XSKK Siciid Faarax Ducaalle,madaxa caafimaadka ee GOS Dr Jiyaa,Madaxa AIPS Somalia C/aziz Goodax Barre,garsoore caalami Suleymaan Maxamed Cali,ciyaaryahano hore oo uu kamid yahay macalin Shiine Guhaad,iyo bahda saxaafadda.

Waxaa kadib leysla qaatay shir guud oo looga hadlaayey sidii xiriirada dalka ay uga faaideysan lahaayeen khabiirada ka imaanaya caalamka iyadoo si weeyn loogu mahadceliyey Lubamir oo casharo iyo seminaar siinayey mudadii uu joogey garsoorayaasha Kubadda Koleyga,sidoo kalena laga codsadey in FIBA iyo IOC uu gaarsiiyo warbixin ku saabsan sida Soomaaliya diyaarka ugu tahay in la dhiirigeliyo dhinacyada Garsoorka,Tababarayaasha iyo Ciyaartoydaba.

Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi ayaa sheegay Lubamir uu xubin ka yahay IOC sidaa darted Gudiga olombikada dalka ay kala dhexeyso wada shaqeyn buuxda,isagoo rajeeyey in sidaan oo kale ay dalka u yimaadaan khabiiro ka socda heyadaha sportiga ee caalamka si tababaro loo siiyo Macalimiinta,garsoorka ilaa heer maamul,taasi oo kor u qaadi doonto buu yiri in Somaliyasportigeedu horumar ku talaabsado.

Ugu danbeyntii Lubamir kotlebaayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta wacan ee uu kala kulmey bahda Kubadda Koleyga iyo Gudiga olombikada Soomaaliya,isagoo si weeyn u amaaney cimilada dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ay u tahay markiisii ugu horeeysay ee uu soo gaaro,iyadoo fikrado aan wanaagsaneyn markii hore laga sheegayey laakiin uu ku farxay sida xaaladu tahay.

“Inaga Sport keliya ayaanu ka shaqeeynaa oo aan kusoo dhexjirey ka badan 35 sanadood, waxaad ogaataan in Sports laga sameeyn karo dhaqaale adag sida iminka ka muuqata caalamka laakiin taasi waxay u baahan tahay gacan dhinacyo badan leh, ilaa heer dowladeed heer ganacsato dadkiinu aad ayey u jecelyihiin Sportiga sida aan arkey mudada aan joogey” ayuu raaciyey.

Lubamir kotleba oo gelinkii danbe shaley dib uga duuley garoonka Muqdisho,ayaa balan qaadey in hey’ada IOC uu ka siin doono warbixin sida iminka Sportiga Soomaliya gaar ahaan gudiga Olombikada uga shaqeeyso hor u marinta Ciyaaraha dalka,waxaana uu xusey in imaanshihiisu wado usii furi doonto sidii hey’adaha kale ee sportiga usoo gaari lahaayeen dalkan.

C/Xafiid Zaciimka

SOC Media Dep.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.