Gudiga Olombikada qaranka Soomaaliya ayaa iyaga oo fulinaya balan qaadyadooda ku aadan horumarinta Sportiga dalka,dhinacwalba waxaa ay garoonka dugsiga Jabuuti oo dhowaan loo aqoonsadey xarunta soo saarista ciyaartoyda Da’yarta ee Grass roots) ku qabteen tartan kubadda cagta oo dhexeeyey ciyaartoyda da’doodu u dhexeyso 14 ilaa 15 sano,kaasi oo ay ka qeybgaleen ilaa 200 oo ciyaartoy.
Tartanka aya waxaa ka qeybgaley ilaa sideed kooxood oo inta uu socdey halkaasi kusoo bandhigey ciyaaro aad looga helay oo ay ka dhex muuqdeen ciyaaryahano mustaqbaul wanaagsan leh,waxaana ugu dambeyntii isugu soo baxay labadii kooxood ee ugu awooda badneyd oo midkood ku guuleysatay koobka kaalinyta 1aad.
Madaxa xarunta soo saarista ciyaartoyda da’yarta ee Olympafrica)qeybta Muqdisho Prof Maxamed Axmed Tarabi oo halkaasi ka Hadley dhamaadkii ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsanyahay qabashada tartankaasi oo ay kala shaqeeyeen gudiga Olombikada iyo qaar katirsan tababarayaashii da’da yaraa ee dhowaan qaatay tababarka Olympafrica ee Muqdisho lagu qabtey.
Xoghayaha GOS Duraan Faarax ayaa dareenkiisa ku muujiyey in Olympikada Soomaaliya ay ka go’an tahay inta ay xilka hayaan in isbedelo laga muujiyo dhinacyo badan,sida aqoonta maamulka,tababarayaasha soo saarista Ciyaartoyda iwm.
“Baraamijkan waxaan uga mahadcelinayaa Olympicafrica,heyadaha taageeray sida Barcelona iyo Audi,sidoo kale dhaman intii tartankan gacanta siisey,oo ay ugu horeeyaan shaqaalaha xaruntan iyo kooxihii ka qeybgalayâ€ayuu raaciyey.
Iyadoo sidoo kale halkaasi goob joog ka ahaa madaxa Caafimaadka ee GOS Dr Jiyaa ayaa ugu dambeyntii waxaa la bixiyey hadiyado,funaanado,kabo,iyo koobab la kala gudoonsiiyey qaar kamida kooxihii iyo xidigihii safka hore soo galay tartankaasi.
Mashruuca Olympafrica ugu talo gashey dalalka qaaradda Africa oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay,ayaa waxaa maalgelineysa Naadiga Barcelona ee dalka Spain waxaana ka faaideysanaya dalalka aad u badan oo qaaradda Africa ku yaalla.
Olombikada Soomaaliya iyo Olympafrica oo tartan kubadda cagta ku qabtey xarunta Muqdisho+sawiro
Gudiga Olombikada qaranka Soomaaliya ayaa iyaga oo fulinaya balan qaadyadooda ku aadan horumarinta Sportiga dalka,dhinacwalba waxaa ay garoonka dugsiga Jabuuti oo dhowaan loo aqoonsadey xarunta soo saarista ciyaartoyda Da’yarta ee