Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Baarajab"Shirka ciyaaraha Youth Olympic Games 2014 wuxuu kusoo dhamaadey Guul.

0
Saturday March 29, 2014 - 20:54:05 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarajab"Shirka ciyaaraha Youth Olympic Games 2014 wuxuu kusoo dhamaadey Guul.

    Waxaa Maalin kahore lagu soo gabogabeeyey dalka China Shir iyo seminaar ku saabsan diyaargarowga iyo qorshayaasha tartanka caalamiga ah ee ciyaaraha Youth Olympic Games 2014,kaasi oo bisha Ogosto ee sanadkaan ka furmi doona dalka China,iyadoo dhamaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maalin kahore lagu soo gabogabeeyey dalka China Shir iyo seminaar ku saabsan diyaargarowga iyo qorshayaasha tartanka caalamiga ah ee ciyaaraha Youth Olympic Games 2014,kaasi oo bisha Ogosto ee sanadkaan ka furmi doona dalka China,iyadoo dhamaan dalalka caalamka ee tartankaasi ka qeybgalaya ay halkaasi u dirsadeen madax iyo wakiilo. Dalka Soomaaliya waxaa shirkaasi u metelayey Tababare Cumar C/qaadir Baarajab oo Gudiga Olombikada Qaranka ka tirsan isla markaana ah Macalin FIBA u diiwaangashan,wuxuu halkaasi kulamo kula qaatey madaxda qaban qaabada tartankaasi iyo wakiilo dalalka qaar halkaasi u joogey. Baarajab oo u waramayey waaxda warbaahinta ee Gudiga Olombikada ee GOS ayaa sheegay in seminaarka iyo shirkii ka danbeeyey lagu soo qaadey qaabka uu tartankaasi ku bilaaban doono,halka ay degi lahaayeen ciyaartoyda,sharciyada lagu maamuli doono tartankaasi caalamiga ah iyo arimo kale. Runtii Guul ayuu kusoo dhamaadey shirka waxaana ugu muhiimsanaa arimahaasi aan sheegey iyo xafladaha Furitaan ilaa xeritaanka (Opening and Closing Cermonnies) qaabka ay u dhici doonto, waxaa nalugu wareejiyay garoomada iyo Village ka degaanka ciyaartooyda iyo meelaha taariikhiga ah ee wadanka Shiinaha"ayuu raaciyey Baarajab. Wakiilka GOS ee shirkaasi Macalin Baarajab ayaa sidoo kale sheegay in gebogebadii uu kulan Fool ka Fool ah la qaatey gabadha u qaabilsan NOC ee dhinaca Somaaliya oo la yiraahdo DU LI halkaasi uu u gudbiyey Midabka Calankeena quruxda leh,laguna ansixiyay midabka calankeena oo ah Cir iyo Caad (Sky Collar) iyo astaanta calankeena. Gudiga Olombikada Qaranka Soomnaaliya ee GOS ayaa ku howlan ka qeybgalka tartankaasi taariikhiga ah ee Youth Olympic Games 2014 iyadoo iminka Muqdisho ay ku xareysan yihiin ciyaartoy dhinaca Ciyaaraha Fudud oo loo diyaarinayo ka qeybgalka tartankaasi iyo tartanka kale ee Olombikada caalamka ee dalka Brasil ka dhici doona 2016. C/Xafiid C/samad Zaciimka Waaxda warfaafinta ee GOS


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.