Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Olombikada oo qalab kala duwan gudoonsiiyey Xiriirada iyo dugsiyada g/banaadir + sawiro

0
Wednesday April 02, 2014 - 12:26:05 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Olombikada oo qalab kala duwan gudoonsiiyey Xiriirada iyo dugsiyada g/banaadir + sawiro

    Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya ee GOS ayaa qalab sporti u qeybiyey xiriirada kala duwan iyo dugsiyada kala duwan ee gobolka Banaadir,iyadoo xafladda qalab wareejintaasi ay ka dhacdey xarunta cusub ee gudiga Olombikada ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya ee GOS ayaa qalab sporti u qeybiyey xiriirada kala duwan iyo dugsiyada kala duwan ee gobolka Banaadir,iyadoo xafladda qalab wareejintaasi ay ka dhacdey xarunta cusub ee gudiga Olombikada ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Gudiga Olombikada C/laahi Axmed Tarabi oo halkaasi ka Hadley ayaa sheegay muhiimadda GOS u leeyihiin xiriirada hoos taga iyo dugsiyada Gobolka banaadir oo halkaasi madaxdoodu goob joog ka ahayd.

“Had iyo jeer waxaan ku dadaali doonaa inaan qalabka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah horumarinta ciyaaraha aanu gaarsiino dhinacyada ku howlan ciyaaraha, sidaasi darteed barnaamijkaan waxaa uu qeyb ka yahay dadaalka aanu ku dooneyno in GOS ku dhiirigeliso xiriirad iyo dugsiyada oo ah halka laga soo bilaabo ciyaaraha”ayuu raaciyey isagoo u waramayey www.Nocsom.com.

Madaxda Xiriirada iyo dugsiyada qalabka kala duwani la gudoonsiiyey oo qaarkood halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyey Madaxda GOS kaalinta ay kaga jiraan horumarinta iyo dhiirigelinta sportiga dalka,iyagoo balan qaadey in qalabkaasi uga faa’ideyn doonaan Xiriirada iyo dugsiyada ay maamulaan ciyaartoydooda.

Xiriirada qalabka la gudoonsiiyey ayaa waxaa kamida Kubadda Cagta, Kubadda Koleyga, Kubadda Laliska, Kubadda Gacanta, kubadda miiska, Ciyaaraha Fudud iyo ku dhowaad 25 dugsiyo ku yaala degmooyinka kala duwan ee Goboka banaadir.

C/Xafiid C/samad Zaciimka

Waaxda warfaafinta ee GOS




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.