Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaaliya oo ku guulaysatay bilad maar ah tartanka Taekwondo ga Africa.

0
Friday May 09, 2014 - 01:11:16 in Xiriirka Tiyakwonduuga by Super Admin
  • Visits: 1487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ku guulaysatay bilad maar ah tartanka Taekwondo ga Africa.

    Cayaaryahan Fayasl Aways oo ka mid ahaa cayaartoydii saddexda ahaa ee xulka qaranka Soomaaliyeed ee cayaarta Taekwondo ga kana qaybgalayey tartankan Taekwondo ga qaaradda Africa ayaa ku guulaystay biladda maarta ah ee cayaarahaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cayaaryahan Fayasl Aways oo ka mid ahaa cayaartoydii saddexda ahaa ee xulka qaranka Soomaaliyeed ee cayaarta Taekwondo ga kana qaybgalayey tartankan Taekwondo ga qaaradda Africa ayaa ku guulaystay biladda maarta ah ee cayaarahaasi.

Cayaaraha oo socday muddo saddex maalmood ahaa kuna ekaa maanta kana dhacayey magaalada Tunis ee dalka Tunisia ayaa waxa ay cayaartoyda Soomaaliyeed muujiyeen dadaal aad u heer sareeya sida uu ii xaqiijiyey madaxa wafdiga Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya cayaarahan guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Taekwondo ga Soomaaliyeed Eng Axmed Ciise Kirish oo aan kula xariiray qadka isgaarsiinta asaga oo ku sugan tuulada cayaaraha.

“Waxaa farxad noo ah in cayaaryahan Fayasal Aways uu ku guulaystay kaalinta saddexaad ee culayskii uu ku tartamay qaaradda oo dhan wuxuuna ka adkaaday xulalka Gabon iyo Muzambique oo ah dalal waqti badan ka shaqaynayey cayaartan waxaana sidoo kale laba dhibic oo kaliya uga fakaday cayaaryahankii xulka Masar oo kaalinta koowaad kaga jira qaaradda, cayaaryahanada kale ee Maxamed Deeq iyo Samiira na waxay muujiyeen dadaal kuna seegeen bilado kale dhibco aad u yar ” ayuu yiri Eng kirish oo aad ugu faraxsanaa guulaha ay soo hooyeen xulka qaranku

Waxaan sidoo kale waydiiyey heerka dhibcaha ay haystaan xulka qaranku kuwaasoo kaalin ka qaadan doona soo bixintaankooda cayaaraha Olimbikada adduunka waxa uuna yiri

“Xaga dhibcaha waxaan sare ugu soo kacnay si aan caadi ahayn oo cayaarahan ka hor Soomaaliya maba la qori jirin oo qaran aan jirin oo kale ayey ahayd hadana waxaan ka kor marnay xulal badan oo cayaarahan ka qaybgali jiray ama lahaa xiriiro fac wayn waxaanan filayaa in cayaaraha kale ee aan Sabtida ka qaybgali doono ay dhibacaha caalamiga ahna kor ugu soo kacno taasoo sare u qaadi doonta rajadeena cayaaraha Olimbikada adduunka”

Mudadii ay socdeen cayaarahan ayuu guddoomiye ku-xigeenka xiriirka TS mudane Axmed Ciise Kirish waxa uu kulamo la yeeshay madaxda xiriirka Taekwondo ga qaaradda Afrika gaar ahaan guddoomiyaha Ahmed al-Fouly iyo guddoomiye ku-xigeenka Driss El Hilal kuwaasoo uu uga warbixiyey dadaalka XST ugu jiro sidii uu sare ugu qaadi lahaa cayaartan una soo saari lahaa cayaartoy da’yar waxa ayna labaduba aad ugu riyaaqeen isbadalka degdega ah ee ka muuqda xulka Soomaaliya waxayna balan qaadeen in ay gacan ka gaysan doonaan soo saaridda cayaartoy yaryar oo lagu tababaro gudaha dalka.

Eng kirish ayaa sidoo kale la kulmay guddoomiyayaasha xiriirada Taekwondo ga ee dalalka Tunisia, Liibiya iyo dalka Rwanda oo asagu ku marti qaaday cayaaro sanadkan dhamaadkiisa ka dhici doona magaalada Kigali ee dalkaasi Rwanda.

Cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliyeed ee cayaarahan Taekwondo ga iyo macalinkooda reer Brasil ayaa ah kuwa ayagu si wadaniyadi ku jirto ugu bareeray in ay xulkooda matalaan ayagoo iskood isku abaabulay ka dibna xiriir la sameeyey xiriirka Soomaaliyeed waxayna hadda u muuqdaan kuwa hiigsanaya cayaaro caalami ah iyo bilado badan oo ay dalka u soo hooyaan ka dib markii ay si wanaagsan iskula jaanqaadeen xiriirka Soomaaliyeed ayadoo waliba ururo iyo shaqsiyaad kale oo Soomaaliyeed na ay gacan ka gaysanayaan sidii ay u dhiirigelin lahaayeen cayaartoydan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.