Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Ururka Generetion for Peace oo xarunta GOS ku qabtey seminaar wadatashiga Dhalinyarada + Sawiro

0
Thursday May 15, 2014 - 15:30:43 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Generetion for Peace oo xarunta GOS ku qabtey seminaar wadatashiga Dhalinyarada + Sawiro

    Ururka Generation for Peace ee marka lasoo gaabiyo loogu yeero GFP ayaa xarunta Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ku qabtey Seminaar dhinaca Nabadda,iyo hami gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed,iyadoo dhalinyaro fara badan ay ka qeybgaleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Generation for Peace ee marka lasoo gaabiyo loogu yeero GFP ayaa xarunta Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ku qabtey Seminaar dhinaca Nabadda,iyo hami gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed,iyadoo dhalinyaro fara badan ay ka qeybgaleen.

Seminaarka oo ay bixinayeen Dhalinyaro ka tirsan ururka GFP - Somalia oo iyagu horey usoo qaatay tababaro kala duwan iyo sida loogu adeegsado sportiga nabadeynta iyo horumarka. ayaa waxaa goob joog u ahaa gabogabadii Madax katirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS,waxaana intii uu socdey dhalinyaradu seminaarkaasi ku soo gudbinaayeen afkaarahooda uga aaddan sidii ay dhalinyaradu kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen nabadeynta iyo isku keenidda bulshada.

Khabiirka dhinaca Sportiga dalka Xaaji Maxamed Axmed Colow oo ah xubin guddiga fulinta GOS ayaa dhalinyarada qaadatey seminaarkaasi ineysan ka seexan ku dhaqanka waxyaabihii lagu kordhiyey mudada tababarku socdey,isagoo sidoo kale kula dardaarmay dhalinyarada iney qeyb weyn ka qaataan nabadda iyo horumarinta dalka.

Gabagabadii ayaa waxaa halkaasi kahadley Xoghaya Guud ee Olombikada Soomaaliya Duraan A. Faarax isagoo ugu horeyntii si weeyn u amaaney 3 dii dhalinyaro ee kamid ahayd 31 dhalinyaro oo tababarka noocaana kusoo qaatay dalka Jordan, ee iyagu soo diyaariyey seminaarkan qiimaha leh.  isagoona aad ugala dardaarmay dhalinyarada iney kaalinkooda ka qaataan masiirka dalka iyo umadda, maadaama ay iyagu yihiin kuwa mustaqbal la’aanta kala kulmi kara Colaadaha iyo deganaansho la’aanta.

"Colaadaha idinkaa la idiin adeegsadaa,  waxa baddaha iyo saxaraha ku baaba’aya waa idinka, waxbarasho iyo shaqo la aanto ciddey heysaa waa adinka, waxa mustaqbal madow kusii socdaa waa dhalinyarada" marka waa inaad meel uga soo wada jeesataan inaad ka shaqeysaan nabadda iyo horumarka maadaama Waddan kasta ay hormariyaan ama dib u dhigaan dhalinyaradiisa"ayuu raaciyey.

Mashruuca GFP ayaa waxaa aasaasay Gudoomiyaha Olympicada Jordan Prince Faisal Al Hussein waxaana tababaro heerkoodu sareeyo loogu sameeyaa dhalinyaro kala duwan oo ka yimaada waddamada dagaaladu ka socdaan ama soo maray, si ay bulashadu uga qeyb qaadato nabadeynta iyo is dhexgalka,hey"adda ugu sareysa Sportiga dalka ee GOS ayaa uga xilasaaran Soomaliya oo iyadu soo xusha dhalinyarada la is leeyahay waxbey ka siyaadin karaan isdhex galka bulshada ay Colaaduhu aafeeyeen.

NOCSOM Media Dep.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.