Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo ka hadashey Qarax sababay Dhimasho iyo dhaawac ciyaaryahano Soomaliyeed.

0
Friday May 30, 2014 - 00:33:17 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo ka hadashey Qarax sababay Dhimasho iyo dhaawac ciyaaryahano Soomaliyeed.

    Wiil yar ayaa geeriyoodey labo kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii ay Miino kula qaraxdey Goob banaan ah oo kubadda cagta ay ku ciyaarayeen degmada Balanbale oo u dhow xuduuda Somaliya ay la wadaato dalka Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil yar ayaa geeriyoodey labo kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii ay Miino kula qaraxdey Goob banaan ah oo kubadda cagta ay ku ciyaarayeen degmada Balanbale oo u dhow xuduuda Somaliya ay la wadaato dalka Ethiopia.

Caruurta waxyeeladu gaartayayaa da’doodu u dhexeysay 7-10 waxaana tirdaoodu ay ahayd tobonaeeyo,iyagoo labo kooxood u kala saftay,waxaase la maqley qaraxa oo aad u xoog badnaa,kaasi oo sababatay in isla goobta uu ku geeriyoodey wiil 8 sano jir ahaa,halka labada kale ee dhaawaca ahna loo qaadey magaalada galkacyo si halkaasi loogu dabiibo.

Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS iyo XSKC ayaa war saxaafadeeday soo saareen waxay si weyn uga naxeen qaraxaasi ay ku waxyeeloobeen ciyaaryahanadu,iyagoo tacsi la wadaagay qoyskii iyo eheladii sidoo kalena caafimaad u rajeeyey labada kale ee dhaawacantey.

GOS ayaa bilihii la soo dhaafay garoomada dalka gaar ahaan Muqdisho kusoo bandhigtey barnaamij lagu dalbayo in la ilaaliyo nadaafadda goobaha ciyaaraha iyo in walxaha qarxa aan la dhigin goobaha ay ciyaartoydu heerkey doonaanba ha ahaadaane ay ku ciyaaraan sida garoomada waaweyn iyo kuwa xaafadaha.

Barnaamijkaasi ayey GOS u marisey bulshada Idaacadaha iyo websityada Soomaalida,iyadoo sidoo kale garoomada iyo goobaha ciyaaraha lagu xardhey halku dhegyo faraya in goobaha ciyaaraha la ilaaliyo nadaafadooda.

Xoghayaha GOS Duraan Faarax ayaa sheegay inay si weyn uga xunyihiin qasaaraha gaaray ciyartoydan wuxuuna mar kale ku celiyey sida loogu baahan yahay in maamulada kala duwan iyo dadka Sportiga ka shaqeeya inay isku howlaan nadaafadda garoomada iyo in waxyeeladan oo kale aysan usoo gaarin ciyaartoyda.

DHEGEYSO FARIINTA GOS

W/D: C/Xafiid Zaciimka

Nocsom Media Department.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.