Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Wafdi Sports oo ka socda Guddiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS oo gaaray Kismaayo + sawiro

0
Tuesday June 10, 2014 - 18:00:30 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi Sports oo ka socda Guddiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS oo gaaray Kismaayo + sawiro

    Wafdi ka kooban dhowr xubnood oo uu hogaaminayo xoghayaha GOS Duraan Faarax ayaa soo gaaray xarunta gobolka Jubadda hoose ee Kismaayo,iyadoo halkaasina si diiran loogu soo dhoweeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ka kooban dhowr xubnood oo uu hogaaminayo xoghayaha GOS Duraan Faarax ayaa soo gaaray xarunta gobolka Jubadda hoose ee Kismaayo,iyadoo halkaasina si diiran loogu soo dhoweeyey.

Wafdiga oo isugu jira Madaxda GOS,Tababarayaasha dhinaca Maamulka Sportiga guud,tababarayaasha garsoorka kubadda cagta,tababarka dhinaca ciyaaraha fudud iyo qeybta saxaafadda ee GOS ayaa markii ay gaareen halkaasi waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhoweeyey madaxda Ciyaaraha ee gobolka,iyo xubno kamida Qurba joogta ciyaaraha ee J/hoose oo dhowaanahanba halkaasi ku sugnaa,gaar ahaan tababare C/xakh iyo maxamuud yare,sidoo kale dhamaan madaxda kooxaha kubadda cagta ee kajira Kismaayo oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin kaalinta GOS ka geysanayso horumarinta ciyaaraha gobolka.


Wafdiga ayaa waxaa kamid ah,Xoghayaha GOS Duraan Faarax,Madaxa waxbarashada iyoTababarada GOS prof.Maxamed Axmed Tarabi,kaaliyaha Xoghaya XSKC Xasan Maxamed Maxamuud X/farey,Macalinka Qaranka Ciyaaraha Fudud Cabdi Guuleed,madaxa Qeybta Sportiga Saacid baariyoow,Daa’uud shire iyo xubno kale.

Duraan Faarax oo wafdiga hogaaminayey ayaa halkaasi ka sheegay in uujeedada ay Kismaayo usoo gaareen iney tahay sidii loo dhameystiri lahaa,tababar dhinaca maamulka Sportiga oo GOS halkaasi horey uga fuurtey kana qeybgalayeen dhamaan maamulada Sports ee gobolka,iyo sidii Tababar maalmo socon doona loogu furi lahaa garsoorayaasha kubadda cagta ee J/hoose,sidoo kalena qabashada tartamo isugu jira kubadda cagta iyo ciyaaraha fudud oo loo qaban doono kooxaha ka dhisan Kismaayo.

“tani waxay qeyb ka tahay balan qaadyadii markii xilkan GOS aynu qabaney,waana qeyb kamida barnaamjyada sanadkan 2014ka aynu ku dooneyno inaan kor ugu qaadno kuna kobcino dhanka maamulada aqoontooda dhinaca ciyaaraha ah,si guud ahaan Soomaaliya Sportigeedu u sameeyo horumar”
“ayaan ayaanu ugu faraxsanahay qaabka bahda sportigu inoogu soo dhoweeyeen halkaan,waxaana GOS had iyo jeer ka go’an iney taakuleyso dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka ee diyaarka u ah,ka shaqeynta kobcinta ciyaaraha noocyadiisa kala duwan”ayuu yiri Duraan.

Gudoomiyaha Sportiga J/hoose Burhaan kukuuyo ayaa sheegay in GOS ay gacan weyn ka geeysaneyso sidii noocyada kala duwan ee sportiga J/hoose kor looguu qaadi lahaa,si weeyna ugu mahadcelinayaan madaxdeeda oo aan ka daalin gudbinta aqoonta sporti iyo qalaabeyn intaba sida uu yiri.

Madaxda iyo wafdiga GOS ayaa booqasho ku tegey garoonka kubadda cagta ee WAAMO oo dib u dayactir heer sareysa lagu sameeyay,iyo sidoo kale xarunta ciyaaraha ee J/hoose iyadoo halkaasina howlo sporti ay ka socotey iyo diyaar garowga tababarada GOS iyo tartanka kubadda cagta iyo ciyaaraha fudud ee furmi doona beri.

W/D: C/xafiid C/samad Zaciimka
NOCSOM Media depart.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.