Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Olombikada oo qalab ku wareejiyey Maamulka Sportiga ee Jubada hoose +Sawirro

0
Wednesday June 11, 2014 - 11:52:25 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Olombikada oo qalab ku wareejiyey Maamulka Sportiga ee Jubada hoose +Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliya ee GOS ayaa qalab sports oo isugu jira Funaanado, buumayaal,Kubaddo Koobab iyo agabka garsoorka ku wareejiyey Maamulka Ciyaaraha ee J/hoose gaar ahaan magaalada KIsmaayo,iyadoo xaflada qalab wareejintaasi lagu qabtey Hot

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliya ee GOS ayaa qalab sports oo isugu jira Funaanado, buumayaal,Kubaddo Koobab iyo agabka garsoorka ku wareejiyey Maamulka Ciyaaraha ee J/hoose gaar ahaan magaalada KIsmaayo,iyadoo xaflada qalab wareejintaasi lagu qabtey Hotelka Qiilmawaaye ee Kismaayo. Xafladda ayaa waxaa ka soo qeybgaley ka sokow wafdiga GOS,Wasiir kuxigeenka Arimaha Bulshada ee maamulka KMG ee Jubba axmed c/qaadir cali Timo jilic,Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ee Maamulka,Siciid Axmed Xuseen,Gudoomiyaha Sportiga ee J/Hoose Burhaan Kukuuyo,Ciyaartoydii hore ee Kismaayo,gaar ahaan Qurba joogta,iyo kooxaha ka dhisan xaafadaha degmadaasi. Xoghayaha Guud ee GOS Duraan Faarax ayaa ugu horeyntii qalabka ku wareejiyey gudiga Sportiga ee gobolka,isagoo xusey in GOS sharaf weyn u tahay iney qalab sporti iyo aqoon horumarinta ciyaaraha soo gaarsiiyaan Kismaayo iyo guud ahaan J/hoose,isagoo si weyn ula dar daarmey guud ahaan bahda Sportiga ee gobolka oo uu ka codsadey iney si wadajir ah uga qeyb qaataan kobcinta sportiga gobolka. "GOS iyo xiriiradiisa waxay doonayaan in gobolkan J/hoose iyo dhamaan gobolada kale ee dalka ay ka qeyb qaataan sidii soo celintii magaca Qarankii Soomaaliyeed loogu adeegsan lahaa Sportiga"ayuu yiri xoghayuhu. Gudoomiyaha ciyaaraha ee J/Hoose Burhaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyey GOS iyo dhamaan wafdiga Muqdisho ka tegey ee halkaasi u gaaray Horumarinta iyo gacansiinta bahda Kismaayo,wuxuuna xusey in qalabkaasi loogu talo galay iney ku lebistaan Shanta koox ee ka kala socota shanta xaafadood ee Kismaayo ka kooban tahay,iyo koobabkii maadama ay tartan kubadda cagta iyo ciyaaro fudud lagu daah furayo Garoonka WAAMO oo dayactir lagu sameeyey. Wasiir kuxigeenka iyo Gudoomiyaha degmada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyey Gudiga Olmpikada ee GOS kaalinta ay ka ciyaareen dhaqaajinta Sportiga Kismaayo,iyagoo codsadey in xiriirada dalka kajira iyo olombikaduba iney laba jibaaraan ka gacansiinta gobolka noocyada kale ee Ciyaaraha sida Kubadda Koleyga,Dabaasha iwm. C/Xafiid C/samad (Zaciimka) NOCSOM Media depart.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.