Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo seminar maamulka sport ga ah Kismayo ugu qabatay degmooyinka J Hoose.

0
Sunday June 15, 2014 - 17:19:52 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo seminar maamulka sport ga ah Kismayo ugu qabatay degmooyinka J Hoose.

    Gudiga olombikada soomaliyeed ee GOS ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose ka qabtey seminaar dhinaca maamulka Sportiga,iyadoo ay ka qeybgaleen ilaa 20 ruux laga soo kala xuley qeybaha kala duwan ee bulshada,iyo Maamulada shanta degmo ee ay ka k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudiga olombikada soomaliyeed ee GOS ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose ka qabtey seminaar dhinaca maamulka Sportiga,iyadoo ay ka qeybgaleen ilaa 20 ruux laga soo kala xuley qeybaha kala duwan ee bulshada,iyo Maamulada shanta degmo ee ay ka kooban tahay Gobolka Jubadda Hoose. Xiritaankii Tababarkan ayaa waxaa kasoo qeybgaley,agaasimaha wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga DFS,madaxda Sportiga ee J/hoose,ciyaartoydii hore ee Gobolka J/hoose iyo marti sharaf kale,waxaana halkaasi ka Hadley Duraan Faarax oo sharaxaad ka bixiyey hadafka ay GOS ka leedahay kor u qaadida aqoonta bulshada si loo hormariyo Sportiga guud ahaan dalka Soomaliya. "GOS waxay isku howleysaa in horumarinta ciyaaraha tartamo iyo xag maamulba ay gaarsiiso heerka ugu sareeya,hadii ay noqon lahayd heer degmo ilaa heer gobol,waana qorshayaasha aynu horey ubalan qaadney" Seminaarka ayaa waxyaabaha lagu qaadanayey ugu muhiimsanaayeen sida loo abuuro Maamulo sportiga,dejinta qorshe sanadeedka,u diyaar garowga tartamada heer Gobol ilaa heer degmo,U diyaargarowga tartamada xagga farsamo,Xag dhaqaale,dadkii ka shaqeyn lahaa,iyo kormeero guud oo ka warqaba socodka dhaq dhaqaaqaasi iwm. Dhamaan ka qeybgalayaashii Seminaarka oo labo cisho socdey ayaa waxaa ay si weyn ugu mahadceliyeen Madaxda GOS oo tababarkaasi soo abaabushey iyo Macalinkii casharada bixinayey,iyagoo balan qaadey iney si wadajira u hormarinayaan maamulada degmooyinka ay ka kala yimaadeen ee KISMAAYO,JAMAAME,AFMADOW,BADHAADHE IYO XAGAR. C/xafiid Zaciimka NOCSOM Media


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.