Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo Muqdisho kabiloowdey todobaadka Xuska Maalinta caalamiga ah ee Olympic-day + sawirro

0
Tuesday June 24, 2014 - 19:04:39 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo Muqdisho kabiloowdey todobaadka Xuska Maalinta caalamiga ah ee Olympic-day + sawirro

    Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliya ee GOS ayaa Muqdisho ka bilaabay tartamada lagu weeyneynayo maalinta caalamiga ah ee Olympic -Day taasi oo kubeegan 23ka bisha Juunyo 2013.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliya ee GOS ayaa Muqdisho ka bilaabay tartamada lagu weeyneynayo maalinta caalamiga ah ee Olympic -Day taasi oo kubeegan 23ka bisha Juunyo 2013.
GOS ayaa sanad kasta ku maamusta Olympic day tartamo kala duwan oo isugu jira noocyada Ciyaaraha,sida Kubadda Koleyga,Kubadda gacanta,Ciyaaraha fudud,xarig jiidka,iyo tartamo kale,iyadoo wadooyinka waaweyn lagu arko ciyaaryahano xiran Astaanta shanta goobaabo ee Olombikada caanka ku tahay,waxaana sanadkan dhinaca dhaqaalaha gacan ka siineysa Shirkadda xawaaladda ee Dahabshiil oo kamida shirkadaha ka howlgala dalka ee sida weyn u dhiirigelisa sportiga.


Garoonka Kubadda Koleyga ee Wiish ex luugino ayaa maanta lagu soo bandhigey Funaanadaha astaanta GOS iyo Olombikadu ay ku taalo,kuwaa oo ay xirnaayeen ciyaaryahanada kooxaha HEEGAN iyo I L S oo ciyaar si weyn looga masquudey halkaasi kusoo bandhigey.
Kaaliyaha Xoghayaha GOS  Maxamed Xuurshe Xasan (EENOW) ayaa sheegay in Guddiga olombikada Sooomaaliya Muhiimad gaar ah ugu fadhido qabashada tartamada iyo xuska maalmaha caalamiga ah ee IOC gaar ahaan Olympic -Day.

"Sanadkasta ayaanu sidaan oo kale uga qeybgalnaa maalinta farxadda leh ee 23ka Juunyo,inagoo qabana tartamo iyo barnaamijyo kale,waxaana iminka bilowney barnaamijyadaa oo socon doono ku dhowaad hal todobaad oo lagu tartami doono noocyo sport oo ayka qeybgalayaan in kabadan 500 oo ciyaartoy”ayuu raaciyey Eenow.

Maalinta 23ka Juun Olympic -Day ayaa dhamaan dalalka xubnaha ka ah IOC ee caalamka si weeyn loogu dabaal degaa,iyadoo tartamo iyo barnaamijyo kale lagu maamuuso.




C/Xafiid Zaciimka
NOC Media Dep.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.