Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo fantasiyo kusoo gabo gabeysey munaasabadda 23-ka Juun Maalinta Olympikada aduunka (sawirro)

0
Tuesday June 24, 2014 - 19:20:13 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo fantasiyo kusoo gabo gabeysey munaasabadda 23-ka Juun Maalinta Olympikada aduunka (sawirro)

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed  ee GOS ayaa ciyaaro iyo fantasiyo ku maamuusay munaasabadda maalinta olympicada caalamiga ah ee (Olympic Day) oo ku beegneyd 23-June,taasi oo ka dhacday xarunta Daljirka dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed  ee GOS ayaa ciyaaro iyo fantasiyo ku maamuusay munaasabadda maalinta olympicada caalamiga ah ee (Olympic Day) oo ku beegneyd 23-June,taasi oo ka dhacday xarunta Daljirka dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka banaadir.
Munaasabaddan oo ay GOS Muqdisho ka bilaabeen todobaadkii hore ayaa waxaa kasoo qeybgalay, Masuuliyiinta Guddiga Olombikadda Soomaaliyeed ee GOS,madaxda xiriirada qaarkood,Madaxda dhinaca arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka banaadir,Ciyaartooyda Ciyaaraha Fudud,Ciyaartoyda dugsiyada,kuwa karatega & tikwandu,Ciyaartoyda Hidaha iyo dhaqanka,Bar-baarta gaashaaman,taageerayaal,iyo bahda saxaafadda oo aan u kala harin daawashada fantasiyahaasi 23 June (Olympic Day).
 
Ciyaaro orodo,Kubadda Koleyga,ciyaarta Karate iyo Tekwando,xarig jiidka,Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka,ciyaarta kabeebeyda iyo Shiribka lagu amaanayey kaalinta GOS kaga jirto kor u qaadista Sportiga dalka ayaana lagu soo bandhigey halkaasi iyadoo inku dhow 500 oo Orodyahano ciyaartoyda heerka 1-aad iyo kuwa da’yarta ee dugsiyada oo ay kujireen masuuliyiin maamulka G/banaadir ay orod kasoo bilaabeen agagaarka Baar Fiat ilaa Daljirka.
.
Kaaliyaha Xoghayaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed  Maxamed Xuurshe X.(Eenow) oo ah Gudoomiyaha XSKG ayaa sheegay in GOS farxad weyn u tahay Munaasabadda 23-ka June ee Olympic- Day,isagoo xusey in sanad kasta ay sameeyaan dabaaldegyadan oo kale,wuxuuna u mahadceliyey xiriirada,dugsiyada iyo dhamaanba intii gacan ka geeysatey oo ay ugu horeyso shirkadda Dahabshiil oo dhinaca tasliilaadka sanadkan gacan ka geysatey.


Khabiir sare Xaaji Maxamed Axmed Colow oo xubin ka ah GOS ayaa isaga oo aad u faraxsan halkaasi ka sheegay taariikhda 23ka Juun ee Olympic-day isagoo Gudiga Olombikadda oo kaashanaya xiriiradiisa  mar kasta isku howlaan dhiiri gelinta iyo qabashada munaasabadaha noocan oo kale ah.

23-ka June iney tahay maalinta olympikada aduunka ayaa waxaa loo aqoonsadey sanadkii 1894,xiligaasoo la go’aamiyey in dhaq dhaqaaqa olympikada la casriyeeyo,waxaana go’aankaasi oo dhaxal gal noqdey 2 sano kadib ku dhawaaqey madaxii xiligaasi Pierre de Coubertin intii lagu gudajirey congreskii caalamiga ahaa ee Paris,waxaynaa rasmi ahaan Olympikada casriga ah ka hirgashey 2 sano kadib magaalada Athens ee Greece.

 






C/xafiid C/samad Zaciimka
Waaxda Warfaafinta ee GOS



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.