Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

DURAAN:"GOS si wayn ayey ugu hambalyeynaysaa tartankii gobolada Puntland, kii Kismayo iyo kooxihii ku guulaystay"

0
Thursday June 26, 2014 - 19:51:21 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 9479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DURAAN:"GOS si wayn ayey ugu hambalyeynaysaa tartankii gobolada Puntland, kii Kismayo iyo kooxihii ku guulaystay"

    Iyadoo dhowaan magaalooyinka Garowe ee Puntland iyo Kismayo lagu soo gabogabeeyey Tartamadii gobolada dowlad goboleedka Puntland iyo xaafadaha Kismaayo oo ay ku kala guulesteen kooxaha Nugaal iyo Guul wade ayaa gudiga Olombikada qaranka Soomaaliya ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo dhowaan magaalooyinka Garowe ee Puntland iyo Kismayo lagu soo gabogabeeyey Tartamadii gobolada dowlad goboleedka Puntland iyo xaafadaha Kismaayo oo ay ku kala guulesteen kooxaha Nugaal iyo Guul wade ayaa gudiga Olombikada qaranka Soomaaliya ee GOS si weyn ugu hambalyeeyey tartamadaai iyo kooxaha ku guuleystay.
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa si weyn ugu hambalyeeyey Kooxaha Nugaal iyo Guul wade oo ku kala guuleeystey Koobabkii Gobolada Puntland iyo xaafadaha KIsmaayo,iyadoo war saxaafadeed laga soo saarey xafiiska Olombikada lagu amaaney doorka horumarineed ee maamulka Puntland kaga jiro kor u qaadista ciyaaraha gaar ahaan kubadda cagta,taasi oo muujisey ifafaalo ah in la heli karo ciyaartoy tayo leh oo meteli kara xulka qaranka Soomaaliya.

Duraan Faarax oo ah xoghayaha guud ee GOS oo ku saxiixnaa war saxaafadeedka GOS ayaa sheegay in Maamulada dalka ay ku deydaan maamulka Puntland oo diyaariyey tartan aad u qurux badan oo ay ka qeyb qaateen dhalinyaro aad u tiro badan oo leh xirfad ciyaareed,kuwaasi oo door weyn ka ciyaari kara soo celinta nabadda iyo metelida xulka qaranka Soomaaliyeed.


"waa in Xiriirada heer qaran ay ku dadaalaan iney siiyaan fursado dhalinyarada Soomaliyeed oo ku kala nool gobolada dalka, qaabka ay u diyaariyeen tartankaan Puntland waxay ku tuseysaa in laga heli karo naadiyo heer qaran ka tartami kara haddey helaan fursadaha ay u baahan yihiinā€¯ayuu raaciyey duraan.

Gudiga Olombikada Soomaliyeed ee GOS ayaa dadaal balaaran ugu jirta sidii halka uu fadhiyo looga qaadi lahaa noocyada kala duwan ee Isboortiga dalka,iyagoo seminaaro,dhinaca aqoonta maamulka Sportiga,xagga farsamada iyo Qabashada tartamada kala gedisan gaarsiiya dhamaan Gobolada dalka inta suurta galka ah.

Waaxda warfaafinta ee GOS
Muqdisho Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.