Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Doorashadii 7-aad ee Xiriirka Ciyaaraha Fudud oo Mogadishu ka dhacday.

0
Saturday July 12, 2014 - 14:57:39 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadii 7-aad ee Xiriirka Ciyaaraha Fudud oo Mogadishu ka dhacday.

    Shir sanadeedkii 7-aad xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho,iyadoo goob joog u ahaayeen xubin ka socda wasaaradda Sportiga ee DFS,guddiga olombikada,kooxaha iyo ururada hoos taga XSCF iyo marti sharaf kale oo lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir sanadeedkii 7-aad xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho,iyadoo goob joog u ahaayeen xubin ka socda wasaaradda Sportiga ee DFS,guddiga olombikada,kooxaha iyo ururada hoos taga XSCF iyo marti sharaf kale oo lagu casuumey.
Ibraahim Xuseen Cali Roombe oo xubin ka ah GOS ayaa halkaasi,ka aqriyey nidaamka ay u dheceyso doorashada,isagoo sheegay tirada xubnaha iyo gudoonka ee u taagneyd doorashadaasi 7-aad ee XSCF.

Waxaa kadib halkaasi cod gacan taag ah loogu qaadey musharaxa xilka gudoomiyenimo ee XSCF oo u taagnaa prof.Maxamed cali maxamed oo horey u hayey xilkaasi,waxaana aqbashey dhamaan sagaalkii xubnood oo kamida 11-ka xubin ee codka laheyd,iyadoo 3 xubin aysan soo xaadirin.
Gudoomiye ku xigeeno 4-gaaraya ayaa halkaasi lagu ansixiyey cod gacan taag ah,maadaama aysan jirin shaqsi kale oo la tartamayey waxaana sidaasi lagu ansixiyey 4ta ku xigeen,iyadoo xubnaha XSCF oo tiradoodu gaareyso 8-xubnood halkaasi lagu ansixiyey.


Ibraahim Xuseen cali Roombo ayaa gabo gabadii sheegay in dhamaan xubnaha XSCF ay yihiin mid ansax ah,oo howshaasi xiriirka wadi doona,isagoo sheegay in xiriirka laga doonayo iney qabtaan shirweyne sanadeedka xiriirka,isla markaana gudoonka cusub ay howsha wadi doonaan ilaa sanadka 2017.

Magacyada Gudoonka cusub Xiriirka Ciyaaraha Fudud
Gudoomiyaha X.Ciyaaraha fudud prof.Maxamed Cali maxamed
Gudoomiye Ku xigeen 1-aad Khadiijo Aadan Daahir
Gudoomiye Ku xigeen 2-aad Faarax cali Macalin
Gudoomiye Ku xigeen 3-aad Cabduqadir Caraale Cumar
Gudoomiye Ku xigeen 4-aad Mustaf Cadbicasiis Maxamed

Xubnaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud.

1) Axmed Maxamuud Maxamed
2) Maxamed Maxamuud Xuurshe
3) Yuusuf Cali Cabdi
4) Cabdi Yuusuf Maxamed
5) nadiifo Shiikh Abuukar
6) Bashiir Colaad carab
7) Mustaf Aadan Dagaal
8) Ibreaahin Maxamuud.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.