Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gudoomiye ku-xigeenka GOS oo gaaray Norway kuna biirey madaxda caalamiga ee joogta shirweynaha 85-aad ee Shataranjiga

0
Thursday August 07, 2014 - 16:00:00 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye ku-xigeenka GOS oo gaaray Norway kuna biirey madaxda caalamiga ee joogta shirweynaha 85-aad ee Shataranjiga

    Gudoomiye ku-xigeenka Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ahna gudoomiyaha Xiriirka shataranjiga Axmed Cabdi Xasan (Wataac) ayaa gaaray maanta Magaalada Tromso ee dalka Norway halkaasi oo u ka bilowdey shirweynihii 85-aad ee xiriirada Chess-ka Caal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye ku-xigeenka Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ahna gudoomiyaha Xiriirka shataranjiga Axmed Cabdi Xasan (Wataac) ayaa gaaray maanta Magaalada Tromso ee dalka Norway halkaasi oo u ka bilowdey shirweynihii 85-aad ee xiriirada Chess-ka Caalamka.
Gudoomiye Wataac oo la hadlay Nocsom.com ayaa sheegay in halkaasi si weeyn loogu soo dhoweeyey isla markaana uu durba bilaabay ka qeybgalka shirarka madaxda Shataranjiga ee halkaasi ku sugan.

"Waxaan metelayaa dalka Soomaaliya gaar ahaan Hey’adda sare ee GOS iyo xiriirka Shataranjiga maalmaha soo socda ayaan u sharaxayaa Madaxda aan la kulmo dhaq-dhaqaaqa aanu ku dooneyno inaan Sportiga dalkeena ku gaarsiino meel sare gaar ahaan ciyaarta Shataranjiga oo caalamka si weeyn looga ciyaaro”


"Waxaa halkaan ka socda  tartankii 41-aad ee Chess Olympiad iyadoo sidoo kalena la guda-gali doono shirarka looga hadlaayo sidii talaabo kale oo horu-marineed loo gaarsiin lahaa ciyaarta shataranjiga Chess-ka” ayuu yiri wataac.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in Congresska 85-aad ee Chess-ka uu halkaasi ka bilaaban doono kaasi oo socon doona ilaa14-ka bishan, laguna dooran doono gudigii hogaamin lahaa xiriirka Chess-ka aduunka mudada 4-ta sano ee soo socota.

C/Xafiid Zaciimka
Waaxda warfaafinta GOS



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.