Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Madaxa GOS ee tartanka Olombikada aduunka ee Nanjing oo si diiran loogu soo dhoweeyey China

0
Thursday August 14, 2014 - 02:13:20 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa GOS ee tartanka Olombikada aduunka ee Nanjing oo si diiran loogu soo dhoweeyey China

    Waxaa magaalada Beijing ee dalka China gaaray wakiilka carabta iyo qaaradda Aasiya u qaabilsan guddiga Olombikada qaranka Soomaaliya ee GOS Macalin Cumar C/qaadir Baarajab,isagoo halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Beijing ee dalka China gaaray wakiilka carabta iyo qaaradda Aasiya u qaabilsan guddiga Olombikada qaranka Soomaaliya ee GOS Macalin Cumar C/qaadir Baarajab,isagoo halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyay.

baarajab oo u waramay Nocsom.com ayaa sheegay in gudiga qaban qaabada tartanka Olympikada ee (Youth Olympic Games 2014),ay kaga hortageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Beijing oo si heer sare ahna loo soo dhoweeyay,isagoo usii gudbey halka tartanku ka dhacayo ee Nanjing.

"waxay ii maamuuseen si farxadi ku dheehan tahay,iyagoo ii galbiyey halka naloogu talo galey inaan ka degno aniga iyo wafdiga,ciyaartoyda oo maalmaha soo socda soo gaari doona halkaan"ayuu raaciyey.

"Waan kasoo hormarey wafdiga iyo ciyaaryahanda qeybta ciyaaraha fudud oo aanu tartanka uga qeybgeli doono,sababtoo ah waxaan sii diyaarinayaa waxyaabaha aynu u baahnaan doono,waxayna isoo gaari doonaan wafdiga maalmaha dhow,maadaama uu tartanku furmayo 16,ka bishan".

Tartanka 2-aad ee Olympikada dhalinyarada aduunka Youth Olympic games 2014,ayaa socon doona 16-28,ka bishan Agoosto,waxaana ka qeybgali doona ciyaartoy kala duwan oo ka socda dalalka caalamka ee xubnaha ka ah IOC,waxaana dalka Soomaaliya uga qeybgeli doona ciyaaryahano qeybta ciyaaraha fudud,oo saacadaha soo socda iyaga iyo Macalinkooda gaari doona Ninjang.

Guddiga Olympikada Soomaaliya ee GOS ayaan ka baaqsan ka qeybgalka iyo tartamada caalamiga ah iyo kuwa gobolka,iyagoo dadaal iyo juhdi ku bixiya in calanka dalkeena Soomaaliya aan laga weeyn fagaarayaasha caalamka si kasta oo ay xaaladda dalku ahayd.

C/xafiid C/SAMAD Zaciimka

Nocsom Media department




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.