Horyaalkii 15-aad ee Kubadda gacanta ayaa si rasmiya uga bilowdey garoonka qeybaha kala duwan ciyaaraha lagu cayaaro ee Wiish Stadium exluugino degmada C/casiis ee gobolka banaadir.
Xafladii furitaanka horyaalka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madax ka kala socota Xiriirada dalka qaar iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee DFS iyo taageerayaal aad u badan,waxaana laga jeediyey qudbado ku aadan hamsami u socodka iyo qaban qaabada horyaalka oo ay ka qeybgalayaan ilaa 7 kooxood oo ah kooxaha heerka koobaad ee Kubadda gacanta.
Gudoomiyaha XSKG Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) ayaa ugu horeyntii halkaasi,ka sheegay in Xiriirku aad ugu dadaalayo ineysan marnaba baaqsan qabashada horyaalka iyo tartamada kale ee taariikhiga ah,isagoo si weyn ugu mahadceliyey dhamaan kooxaha kala gedisan ee Xiriirka u diiwaan gashan.

Khabiirka Sportiga dalka,Xubin GOS isla markaana ah Madaxa Xiriirada ee Olombikada Xaaji Maxamed Axmed Colow,oo halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa si weyn ugu hambalyeeyay XSKG iyo kooxihiisa,isagoo amaanay dadaalka loo soo galay qabashada Horyaalka iyo tartamada kale ee xiriirkaasi GOS ay marqaati ka tahay dadaalkaasi.

Ugu danbeyntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DFS ayaa aad u amaanay waxqabadka Xiriirka Kubadda Gacanta,isagoo xusay ineey gacan ka geeysan doonaan ka wasaarad ahaan horumarinta dhinacyada Ciyaaraha ilaa heer Gobol,wuxuuna si rasmi ah u furay Horyaalka oo kulankii ugu horeeyay Heegan iyo Feero wada yeesheen waxayna 31-9 guushu ku raacdey kooxda Heegan.

![]()
XSKG oo si rasmi ah u furay Horyaalkii 15-aad ee kubadda gacanta.
Horyaalkii 15-aad ee Kubadda gacanta ayaa si rasmiya uga bilowdey garoonka qeybaha kala duwan ciyaaraha lagu cayaaro ee Wiish Stadium exluugino degmada C/casiis ee gobolka banaadir.