Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gos oo kulan horumarinta looga hadlayo la yeeshay Guddoomiye XSKK Cadaani

0
Monday November 24, 2014 - 19:45:38 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 2848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gos oo kulan horumarinta looga hadlayo la yeeshay Guddoomiye XSKK Cadaani

    Guddiga Olombikada Soomaaliya oo dadaal ugu jira sidii ay xiriirada isboortiga dalka sare ugu qaadi lahaayeen waxqabadkooda ayaa kulan la qaatay Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga. waxaana kulankan ka qayb qaatay Guddoomiya Gos Cabdulaahi Axm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliya oo dadaal ugu jira sidii ay xiriirada isboortiga dalka sare ugu qaadi lahaayeen waxqabadkooda ayaa kulan la qaatay Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga. waxaana kulankan ka qayb qaatay Guddoomiya Gos Cabdulaahi Axmed Tarabi,xoghayaha Gos Duraan Axmed Faarax iyo Guddoomiyaha XSKK Cabadulaahi Nuur Maxamed (Cadaani).

Kulankan  uu ujeedkiisa ahaa howlihii xiriirka kubadda kolayga  u qabsoomay sanadkan iyo  kuwa u qorshaysan 2015, waxaana  laysla gartay.

1- in XSKK balaariyo howlaha horumarinta, xoogana uu saaro, iskuulada, Jaamacadaha, Gobolada iyo degmooyinka dalka.
2. in xiriirka  uu waayo aragnimo  ka qaato guuldarooyinkii  xulka qaranka kasoo gaaray ciyaarihii Zone 5   ee dalka Yugaandha lagu qabtay, isla markaana diyaar garow dhanka kasta ah uu galo ciyaaraha ku soo fool leh.
3. In la ilaaliyo wadashaqaynta  iyo isku duubnida xubnaha xiriirka si loo gaaro horumarka la hiigsanaayo.
4. In xiriirku uu ka shaqeeyo  in ay horumarka  kubadda kolayga ay ka qayb qataan bahda kubadda kolayga  kuwa dalka jooga kuwa dibada jooga.

5. in la helo shuruuc dhamaystiran uu xiriirku yeesho si looga baxo mad mdowga iyo is faham la’aanta keeni kara in laga gaabiyo howlaha adag ee xiriirka horyaala.

Shirkan uu guddiga Olombikada la yeeshay XSKK ayaa ka mid ah shirarka joogtada uu guddiga xiliyadan oo kale la qaato xiriirada dalka si uu u eego waxqabadki sanadkan dabayaaqada ah iyo qorshaha howleedka sanadka soo socda, si xiriirada dalka ay guulo wax ku ool ah uga soo hooyaan ciyaaraha dalka dibadiisa ka dhacaya oo ay ka qayb galaan.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.