Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo Inj. Axmed Kirish gudoonsiisey Biladda sanadka 2014 ee (IOC -Trophy)

0
Monday December 15, 2014 - 17:40:17 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo Inj. Axmed Kirish gudoonsiisey Biladda sanadka 2014 ee (IOC -Trophy)

    Xaflad balaaran oo abaal-marinta sanadka 2014 lagu gudoonsiinayey Shaqsiga wax wanagsan ka qabtay dhaq dhaqaaqa Isboortiga ee dalka ayaa waxaa lagu qabtay gudaha garoonka Wiish ex-Lugino degmada C/casiis ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad balaaran oo abaal-marinta sanadka 2014 lagu gudoonsiinayey Shaqsiga wax wanagsan ka qabtay dhaq dhaqaaqa Isboortiga ee dalka ayaa waxaa lagu qabtay gudaha garoonka Wiish ex-Lugino degmada C/casiis ee Muqdisho.

Xafladda oo ay soo agaasimeen Gudiga Olympikada Soomaaliya ayaa lagu maamuusey Ciyaar kubadda Gacanta oo u dhexeysay kooxaha heerka koobaad ee gabdhaha Horseed iyo Nation-Link,iyadoo goob joog u ahaayeen taageerayaal iyo madaxda ugu sareysa GOS iyo xiriirada qaarkood.

Markii la daawadey ciyaartii quruxda badneyd ee Gabdaha Horseed iyo Nation-Link ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Xoghaya Olympikada Soomaaliyeed ee GOS  Duraan Axmed Faarax oo sheegay in Gudiga Olombikadu ay sanad kasta bixiso Abaal-marinta ay IOC ugu talo gashay shaqsiyaadka wax ka qabta howlaha kala duwan ee Isboortiga,waxaana sanadkan GOS bixineysaa  Koobka ama Biladda (Sports and Art)

"sanadkaan biladda  (IOC-Trophy)  ee ay Gudiga Olympikada Soomaaliyeed  usoo marsiisey  hey’adda Olombikada caalamiga ah,waxaan u garanay inaan gudoonsiino Injineer Axmed Ciise Krish oo ah ninka hindisay ama naqshadeeyey garoomo ku yaala degmooyinka Gobolka banaadir, garoonka Wiish iyo sidoo kale wajiga labaad oo lagu balaarinayo xarunta weeyn ee ay ku shaqeyso Guddiga Olombikada Soomaaliyeed”

"Injineer Axmed Ciise Krish keliya maaha Injineer ee dhanka kale waa madax katirsan Xiriirka Tikwandu and Karate,wuxuuna door weyn ka ciyaaray horumarinta xiriirkaasi iyo dhaq dhaqaaqyo kale oo Isboortiga dalka wuuna naga mudan yahay inuu noqdo shaqsiga sanadkan gudoomaya biladdan IOC iyo GOS ee (Sports and Arts)”ayuu raaciyey xoghaye Duraan.
Gudoomiyaha Gudiga Olympikada C/laahi Axmed  tarabi ayaa halkaasi ku gudoonsiiyey Injineer  Axmed Krish Biladda quruxda badneyd ee IOC Trophy,iyadoo halkaasi ugu dhacay sacab fara badan oo daawadayaashiii iyo madaxdiii joogtey ugu hambalyeysay guushaasi uu gaaray.

Ugu danbeyntii Ijnijeer Axmed Ciise Krish ayaa halkaasi ka hadlay,isagoo sheegay ineey farxad weyn u tahay biladdan taariikhiga ah,isagoo u mahad celiyey IOC iyo GOS,wuxuuna balan qaaday inuu sii wadi doono dhaq dhaqaaqa horumarinta Cayaaraha dalka.

Sanadkii 2013 ayaa Abaal-marintan  (IOC Trophy) waxaa la gudoonsiiyey hey’adda dhanka dhalinyarada ka shaqeysa ee Youth-Link  halku dhega ama magaca Biladda sanadkaasina wuxuu ahaa (Sports and Youth)

W/Q: C/xafiid C/samad Zaciimka

NOC Media- Mogadishu




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.