Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shir-sanadeedkii ANOCA Zone V oo Sudan ka dhacay + sawiro

0
Monday December 22, 2014 - 00:03:02 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qeybgashay Shir-sanadeedkii ANOCA Zone V oo Sudan ka dhacay + sawiro

    Waxaa magaalada Khartuom ee caasimadda dalka Sudan lagu soo gabo-gabeeyey shir-sanadeedkii ANOCA Zone V kaasii oo maalmihii ugu danbeeyay halkaasi ka socodey ayna goob-joog ka ahaayeen dhamaan dalalka xubnaha ka ah ANOCA Zone V oo Soomaaliya kamid ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Khartuom ee caasimadda dalka Sudan lagu soo gabo-gabeeyey shir-sanadeedkii ANOCA Zone V kaasii oo maalmihii ugu danbeeyay halkaasi ka socodey ayna goob-joog ka ahaayeen dhamaan dalalka xubnaha ka ah ANOCA Zone V oo Soomaaliya kamid tahay.

Shirweynaha ayaa socdey 18 ilaa 21-ka bishan December waxaana xafladii furitaanka kasoo qeybgalay Kaaliyaha Madaxweynaha dalka Sudan Cabdu-Raxmaan Sadiiq Al Mahdi,Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Sudan iyo masuuliyiin kale oo ka socotay xukuumadda martida loo ahaa ee Khartoum.

 

Cabdu-raxmaan Al Mahdi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay Shirweynahan dalkiisu marti geliyey,isagoo xusey in Madaxweynaha dalka uu aad u jecelyahay in Sportigu qaaradda Horumar ku talaabsado.

 

Shirka ayaa ajan-dayaashiisa waxaaa kujirey sidii dalalkan xubnaha ee Zone V isugu xirnaan lahaayeen,maadaama uu Zone-kan yahay midka ugu balaaran,isla markaana cayaartoydiisu yihiin kuwa biladaha ugu badan ka keena tartamada caalamka ka dhaca.

Waxaa sidoo kale laga hadlay sida ugu macquulsan ee Zone-ku u yeelan lahaa qorshe howleed uu ku dhaqaaqi lahaa sanadaha soo socda,maadaama uu zone-ku ka liitey xagga Hogaaminta qaarad ahaan,iyo isku xirnaan la’aanta iyo ka warqabta cayaaryahanada tirada badan ee guulaha usoo hoya dalalka Zone V ku mideysan.

 

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi lagu doortey Guddiyo kasoo shaqeeya Qorsha hawleedka uu ku howl geli lahaa Zone-ka sanadaha soo socda si loo dar-dar geliyo dhaq dhaqaaqa iyo horumarinta Olympicska dalalka Zone-ka ku mideysan waxaana Guddiga loo xilsaaray kujira Xoghayaha Guud ee GOS Duraan Axmed Faarax oo shirkaasi Soomaaliya u metelayey.

C/Xafiid C/Samad Zaciimka

NOCSOM Media-Mogadishu

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.