Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gabdhaha Heegan oo ku guulaystay Horyaalka 5-aad kubada gacanta Soomaaliya

0
Saturday January 03, 2015 - 13:53:05 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • Visits: 1590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabdhaha Heegan oo ku guulaystay Horyaalka 5-aad kubada gacanta Soomaaliya

    Naadiga Gabdhaha Heegan ayaa ku guuleystay Horyaalkii 5-aad ee Kubadda Gacanta Haweenka oo shalay lagu soo gabo-gabeeyay Garoonka Kubadda Kolayga wiish Stadium (Ex-Luujino) Degmada C/casiis ee gobolka banaadir iyadoo horyaalkaa ay ka qeyb galeen ilaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naadiga Gabdhaha Heegan ayaa ku guuleystay Horyaalkii 5-aad ee Kubadda Gacanta Haweenka oo shalay lagu soo gabo-gabeeyay Garoonka Kubadda Kolayga wiish Stadium (Ex-Luujino) Degmada C/casiis ee gobolka banaadir iyadoo horyaalkaa ay ka qeyb galeen ilaa afar kooxood oo heerka koobaad ah.
Horyaalka oo kulamadiisa labada is-arag ahaa ayaa labadan kooxood waxay ahaayeen kuwa uggu dhibco sareeyay,iyagoo kasoo wada badiyey dhamaan labadii is-arag ee labada kooxood ee kale,laakiin kulankii wejiga koobaad ayaa waxaa guusha qaadatey Heegan,iyadoo kulanka uu ahaa midkii wejiga labaad oo hadii ay Horseed adkaan lahayd loo baahnaan lahaa kulan kale oo Final ah.

Garoonka Wiish ayaa waxaa aad usoo buux dhaafiyey daawadayaashii ugu tirade badnaa ee daawata horyaalkan oo weliba ka tiro badnaa Finalkii Wiilasha oo maalmo kahore halkaasi lagu soo gabo-gabeeyey,waxayna taageerayaasha labada dhinac ahaayeen kuwo sacab iyo heeso ku kala taageeraayey midka kooxdooda, iyadoo kooxda fanaaniinta ee SYL 2 oo uu hogaaminayey Majaajiliiste Diimow Ilko-dheere ay halkaasi qeybtii nasashada kusoo bandhigeen sheeko xiiso badneyd oo isla kubadda Gacanta ku saabsaneyd.
Gabdhaha Horseed oo iyagu si daran ugu ciil-qabey kuwa Heegan oo ay ka go’neyd ineey ka aarsadaan Heegan ayaa ciyaar fiican soo bandhigey qeybtii hore,iyagoo ka yaabiyey taageerayaashii Heegan oo ay ku aamusiyeen 6-1 oo ay Horseed hogaanka ugu heysan qeybtii koobaad ee kulanka,iyadoo ay aad u muuqatay gabadha goolhayaha u ahayd Horseed oo shuudad badan ka celisey weerarka Heegan.
 
Qeybtii labaad ee kulanka ayaa tababaraha Heegan wuxuu aad usoo canaantay kooxdiisa,taasi oo keentay iney dar-dar lasoo laabtaan,isla markana ay dhaliyaan goolal badan oo sababtay in goolashii ay hogaanka ku hayeen Horseed loo laba jibaarey dhamaadkii ciyaarta sidaasina Heegan ku xaqiijiyeen Horyaalka 2014, waxaana aad u muuqatay oo goolal badan dhalisey gabadha lagu magacaabo Aamow oo sidoo kale qaaday gool-dhalinta tartanka iyo gabadhii ugu cayaar wanagsanayd kulanka.
Daawashada kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Inta badan Masuliyiinta Xiriiirada sida XSKK, XSKG, XSCF, XSF iyo XSKL sidoo kale waxaa goob joog u ahaa Xoghayaha GOS Duraan Faarax iyo Xubnaha GOS, gaar ahaan Xaaji Maxamed Axmed Colow,iyo Ibraahim Xuseen Roombe, Legends hore oo gabdho iyo wiilal iyo masuuliyiin Ururka Haweenka.


Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) ayaa isna hadal kooban ka jeediyay Xafladdii xiritaanka, wuxuuna sheegay in ay guul u tahay in uu soo gebageboobay Tartankii Horyaalka 5aad ee Wiilasha Kubadda Gacanta Soomaaliya isagoo u mahadceliyey dhamaan Kooxihii, Ciyaartoydii, Garsoorayaashii iyo Tababarayaashii ka qeybgalay Tartankaasi isagoo si gaar ah u amaanay bahda saxaafadda sida wacan ee ay uga soo qeybgaleen tartankan ilaa Finalkiisa.
Xaaji Colow oo halkaasi kahadlay ayaa isaguna sheegay in GOS ay aad ugu Hambalyeyneyso dhaq-dhaqaaqa iyo Horumarinta sportiga kaalinta ay ka qaataan Xiriirka Kubadda Gacanta,sidoo kale Caasha Gees-diir oo haweenka ka socotay ayaa halkaasi ku amaantay Xiriirka iyo Kooxaha tartankaasi ka qeyb qaatay.

Waxaa halkaasi lagu bixiyey Koobabkii 1-aad oo Gabdhaha Heegan la gudoonsiiyey, kaalinta 2-aad Horseed kaalinta 3-aad Gabdhaha Gaadiidka,halka abaal-marinta gool-dhalinta ay qaadatay Aamino Axmed Aamow oo Heegan katirsanayd oo 33 gool ka dhalisey tartanka.

C/Xafiid C/Samad Zaciimka
NOCSOM Media-Mogadishu





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.