Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shirwaynihii GOS oo Mogadishu lagu soo gabagabeeyey.

0
Friday January 16, 2015 - 21:10:18 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirwaynihii GOS oo Mogadishu lagu soo gabagabeeyey.

    Guddiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabo-gabeeyey Shir-weynihii Guddigaasi,kaasi oo labo maalin 14-15ka bisha ka socday hotelka Shamow ee gobolka banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabo-gabeeyey Shir-weynihii Guddigaasi,kaasi oo labo maalin 14-15ka bisha ka socday hotelka Shamow ee gobolka banaadir.

Shir-sanadeedka oo ay kasoo qeybgaleen Gudoomiye Ku-xigeenka Arimaha bulshada ee maamulka G/Banaadir Xildhibaano katirsan baarlamaanka oo kala ah,Ex-garsoore C/Raxmaan Xaaji Aaden Ibbi, iyo Siciid Maxamed maxamuud Xeyd,Madaxda GOS,Madaxda Xiriirirada & Ururada Hoos yimaada GOS ,wakiilada Shanta Zone ee Olombikada iyo bahda saxaafadda.

Shir-sanadeedka ayaa waxaa warbixin looga dhegeystay Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax kaasi oo ka warbixiyey howlaha waxqabadka Guddiga ee gudaha iyo dibadda iyo wixii u qabsoomay labada sano ee uu guddigu dhisanyahay tan iyo markii lasoo doortey iyo wixii dib u dhac ah.

Waxaa halkaa lagu soo bandhigey Buug cusub oo wax qabadka GOS sanadkii lasoo dhaafay,Qorshe howleedka afarta sano ee soo socota,Calaamad cusub oo astaan u noqon doonta GOS oo lagu bedeley Naqshadii hore,Buuxinta Booskii Gudoomiye ku-xigeenkii sadexaad ee geeriyoodey,iyo Xubin cusub oo lagu soo biiriyey guddiga fulinta ee GOS,waxaana aad loogu amaaney shirkadaha GOS u sxbka la ah ee gacanta ka geysta dhiirigelinta Sportiga oo ay u kala horeeyaan Jubba Airways,Hormuud iyo Dahabshiil.

Dhinaca kale Xubno katirsan Gudoomiyayaasha Xiriirada hoos yimaada GOS ayaa dhankooda ka warbixiyey wixii ay qabteen iyo dib-udhacyada iyagoo soo jeediyey talooyin ku aadan sidii loo dhaqaajin lahaa dhinacyada kala duwan ee Sportiga dalka.

Qaar katirsan Madaxda Zone-ska ee halkaasi joogtey ayaa ka hadlay howlaha u qabsoomey iyo tartamada iyo Mashaariicda horumarineed ee deegaanadooda lagu qabtay sanadkii tegey,iyadoo ay jireen Zone-s ka codsadey GOS in markaan Il gaar ah loo yeesho deegaanadooda maadaama uu Amnigu goobahaasi iminka yahay mid leysku haleeyn karo.
Gudoomiyihii Hore GOS ahna Gudoomiye sharafeedka hey’adaasi C/Laahi Ibraaim Gacal Abkoow ayaa si weyn usoo dhoweeyey howlaha ay hey’addu ku hormarineyso Cayaaraha dalka isago ka sheekeeyey marxaladihii Spotiga dalku soo marey,waxaana lagu sharfay inuu isagu bixiyo Abaal-marinta Naadiga sanadka 2014 oo GOS u aqoonsatey Naadiga qeybaha kala duwani ka kooban ee HORSEED.
Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi oo Shirweynaha soo xirey ayaa ka qeybgalayaashii isugu jirey dhamaan Guddiga Fulinta GOS, ee Madaxda xiriirada,Madaxda Ururada,Madaxda Zone-ska iyo Bahda saxaafadda kula dar-daarmay ineey si wadajir ah gacan uga geeystaan Horumarinta Sportiga dalka guud ahaan.

C/Xafiid C/samad Zaciimka

NOC Media- Mogadishu




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.