Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kooxda Jeenyo Hogaanka Horyaalka kubada cagta La wareegtay +Sawirro

0
Monday March 09, 2015 - 10:47:28 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 15037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Jeenyo Hogaanka Horyaalka kubada cagta La wareegtay +Sawirro

    Kooxaha kubadda cagta Horseed iyo Jeenyo ayaa ku kulmay garoonka Banaadir kulanki 41-aad wareega hore horyaalka kubadda cagta Soomaaliya 2014-15.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha kubadda cagta Horseed iyo Jeenyo ayaa ku kulmay garoonka Banaadir kulanki 41-aad wareega hore horyaalka kubadda cagta Soomaaliya 2014-15.

kulankan oo labada koox u ahaa kulankii 9-aad ee ugu dambeeyay wareegga  hore ayay kooxda Horseed heshay rigoore daqiiqadi 2-aad ee ciyaarta waxaana ka qasaariyay kabtanka kooxda Yuusuf Maxamed Diiriye (Sanyuura), 3 daqiiqo kadib kooxda Horseed ayaa mar kale heshay fursad ay gool ku dhalinkartay waxaana lumiyay Maxamed Xasan Cabdullaahi oo No.22 u qaata kooxdaasi ka dib markii uu diilinta 6-aad ka helay fursad isaga iyo goolhayaha kaliya ah.

Kooxda Jeenyo ayaa ka faa'iidaysatay fursaddii ugu horaysay ee ay hesho, waxaana daqiiqadi 13 gool u dhaliyay Saciid Cabdi Salaad oo No.19 u qaata isla markaana ka ciyaara qadka dhexe.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0. marki laysku soo laabtay labada koox ayaa abuuray fursado ay goolal ku dhalin kareen, midna kama mira dhalin waxayna ciyaarta ku soo gebagebowday 1-0 guusha ay ku raacday kooxda Jeenyo.
Kooxda Horseed a waxaa jaale ka qaatay Cabduqaadir Maxamed Xaaji No.6, Nuune Haashim Axmed No.8,MUstaf Cali Ibraahin No.13 iyo Suleymaan Shiikh Cumar No.30.

kooxda Jeenyo waxaa Jaale ka qaatay Aadan Axmed Maxamed  iyo Sade Cabdullahi yuusuf. 

Guushan ayaa kooxda jeenyo u suura gelisay in ay hogaanka horyaalka la wareegto waxayna iminka leedahay 20 dhibic, waxaa ku soo xigta kooxda Heegan oo leh 19 dhibic balse kulan uu u harsan yahay, waxayna talaada la ciyari doontaa kooxda Banaadir SC oo kaalinta sedexaad ku jirta.

Kooxda Horseed ay guuldaradan u tahay tii 6-aad ee soo gaarta wareega hore horyaalka.

Jeenyo ayaa kulankeeda xiga la ciyaari doonta kooxda Heegan , halka Horseed ay kulankeda xiga la ciyaari doonta kooxda Elman.

Ciyaartan waxaa garsoore ka ahaa Suleymaan Bashiir Shiikh Cabdi calanhaye Koowaad Saalax Cumar Abuukar. calanhayaha Labaad  Cabdullahi Xoosheey caraaye 

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

 Nocsom Media Department


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.