Kooxda ugu guulaha badan horyaalka kubadda cagta dalka 24 sano ee la soo dhaafay Elman ayaa guul ku soo xirtay kulankeedii ugu dambeeyay wareega koobaad horyaalka kubadda cagta dalka Nationlink Championship 2014-15.
Elman ayaa shalay qaabishay kooxda Somali Fruit oo sanadki ugu horeeyay ka qayb qaadanaysa horyaalkaa Heerka 1-aad ee dalka , waxaana qaybta hore ee ciyaarta lagu kala nastay 0-0 oo ay xagga fursdaha ku gacan sareeyeen da'yarta Somali Fruit.
Markii laysku soo laabtay Elman oo kaashanaysa ciyaartoyda waayo aragga ah ee kooxda ku sugan ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqaddii 55-aad ka dib markii uu gool si xirfdaysan u dhaliyay Cabdullahi Nuur Macalin oo No.18 u sita kooxda Elman.
Somali Fruit oo dadaalka ugu jirtay in ay iska soo barbarayso goolka lagu lahaa ee daynta ayaa gool labaad uu daqiiqadi 86-aad kaga naxsaday kabtanka Kooxda Elman Sacad Salax Xuseen , waxayna 2-0 guusha ku raacday kooxda Elman.
kooxda Elman ayaa iminka leh 16 dhibic kaalinta sedexaad ayayna kaga jirtaa horyaalka dalka, kabtanka ELman Sacad Saalax Xuseen ayaa shalay dhaliyay goolkii 6-aad ee horyaalka waxuuna gool dhalinta kaga jiraa kaalinta sedexaad.
Guushan ayaa kooxda Elman u suura gelinaysa in ay ku dagaalanto ku guuulaysiga horyaaka kubada cagta dalka Nationlink Championship 2014-15.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department.
Kooxda ELman oo guul ku soo xirtay kulankeedii ugu dambeeyay Wareega Horeee horyaalka+Sawirro
Kooxda ugu guulaha badan horyaalka kubadda cagta dalka 24 sano ee la soo dhaafay Elman ayaa guul ku soo xirtay kulankeedii ugu dambeeyay wareega koobaad horyaalka kubadda cagta dalka Nationlink Championship 2014-15.