Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kooxda Heegan oo ka adkaatay Horseed kulan ka tirsan koobka Genaraal Daa'uud

0
Saturday March 14, 2015 - 16:18:29 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Heegan oo ka adkaatay Horseed kulan ka tirsan koobka Genaraal Daa'uud

    Kooxaha kubadda Kolayga Heegan iyo Horseed ayaa ku kulmay garoonka Wiish kulan ka tirsan wareega labaad ee koobka kubadda kolayga Jeraraal Daa'uud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha kubadda Kolayga Heegan iyo Horseed ayaa ku kulmay garoonka Wiish kulan ka tirsan wareega labaad ee koobka kubadda kolayga Jeraraal Daa'uud.


kulankan oo loogu magac daray kulanka ciidamada qalabka sida, Heegan oo Booliksa u taagan iyo Horseed oo Milatariga u taagan ayaa waxaa u soo daawasho tagay masuuliyiin sare oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyed Cabadullahi Axmed Tarabi qaar kamid ah madaxda Xiriirada dalka iyo dadwayne aad u tirada badnaa kuwaa oo ka kala yimid 17 degmo ee gobolka Banaadir.


Kulanka oo aad u xiiso badnaa oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen kubad xirfaddeedu sareyso ayaa waxaa qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 28-22 oo ay hogaanka ku hayso Kooxda Heegan.



Marki laysku soo laabtay 10-ka sedexaad ee ciyaarta kooxda Horseed ayaa soo laba kaclaysaty aadna ugu soo dhawaatay hogaanka ciyaarta, basle 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ayay Heegan la fogaatay hogaanka waxaana ciyaarta ay ku idlaatay 65-51 ay guusha ku raacday kooxda Heegan.


Waa guushi labaad oo ay Kooxda Heegan ka gaarayso kooxda Horseed wareega hore iyo wareega labaad, sidoo kale waa guushi sedexaad oo ay kooxda Heegan wareega labaad ka hesho taasoo furaysa waji cusub oo wareegan ah.


Wareega Labaad waxaa loolanka ku guulaysiga koobka kubada kolayga Jenaraal Daa'uud isu soo haray Heegan oo ah kooxda difaacanaysa Koobkan, Dekedda iyo I.L.S.


Kulmada u haray sedexada koox ee loolanka isugu soo haray

17 Maarso talaado Dekedda iyo I.L.S

20 Maarso Jimco Heegan iyo Dekedda

24 Maarso I.L.S iyo Heegan


Sedexda kulan iyo kooxdii hesha dhibcaha labada kulan ay koox walaiba ciyarayso ayaa lagua xaqiijin doona kooxda hanan doonta koobka kubadda kolayga Jenaraal Daa'uud 2015


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta GOS

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.