Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka Doomaha Soomaaliyeed oo ka qayb galay shir ka dhacay Dalka Ingiriiska+ Sawirro

0
Sunday March 15, 2015 - 20:03:43 in Xiriirka Doomaha by Nocsom Editor
  • Visits: 2532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Doomaha Soomaaliyeed oo ka qayb galay shir ka dhacay Dalka Ingiriiska+ Sawirro

    Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Xiriirka Doomaha Caalamka (FISA) iyo Guddiga Olombikada Caalamka IOC ayaa ka dhacay Magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaana ka qayb galaya dalalka ku midaysan xiriirka Doomaha Caalamka oo ay soomaaliya qayb ka t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Xiriirka Doomaha Caalamka (FISA) iyo Guddiga Olombikada Caalamka IOC ayaa ka dhacay Magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaana ka qayb galaya dalalka ku midaysan xiriirka Doomaha Caalamka oo ay soomaaliya qayb ka tahay.

 

Shirkan oo uu ujeedkiisu ahaa wada tashi sidii lagu horumarin lahaa ciyaaraha Doomaha ayaa waxaa soomaaliya u matalay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Doomaha Saciid Maxamed Maxamuud "Xayd". isla Markaana ah Guddoomiye Ku xigeenka Xiriirka Doomaha Afrika, Waxaana ku wehliyay Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faraax iyo Masuuliyiin ka titsan Xirirka Doomaha.


Markii uu Shirka Soo idlaaday waxuu Gudoomiyaha sheegay in ay wadatashiyo la qaateen Guddoomiyaha Xiriirka Doomaha Caalamka Jean Christopher Holland oo u dhashay dalka faransiiska iyo Madaxa Horumarinta Xiriirka Doomaha Caalamka Ms Shieln Stephens waxaana isla garanay sidii soomaaliya looga caawin lahaa qaybaha muhiimka ee horumarinta gaar ahaan waxyaabaha aasaasiga.



Sidoo kale waxuua Guddoomiye Saciid kulamo la qaatay madaxa xiriirada doomaha Ingiriiska, Talyaaniga, Turkiga, Qatar iyo South Afrika dhamaan kulamadaas oo ujeedka ugu wayn uu ahaa sidii loo hormarin lahaa Xiriirka Soomaaliyeed ee doomaha aya ku soo dhamaadeen guul.


Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Doomaha Saciid Maxamed Maxamud Xayd ayaa u mahad Celiyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed GOS sida hagar la'aanta oo ay mar walba u garab taagan yihiin xiriirkiisa.


Xiriirka Soomaaliyeed ee Doomaha ayaa ka mid ah xiriirada guulaha kasoo hooyay dalka dibadisa iyadoo Guddoomiye Saciid uu guddoomiye ku xigeen ka yahay Xiriirka doomaha Afrika.


Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department

 

 


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.