Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi aya kulan qado sharaf ah ugu sameeyey gudaha magaalada Mugadishu masuulyiintii hore ee qaybaha kala gedisan ee isboortiga, macalimiin hore, garsooorayaal iyo waliba cayaartoy hore, kuwaasoo isugu jiray kuwa ka yimid dibadda dalka iyo kuwa ku sugnaa gudaha intaba.
Kulankan qado sharafta ahaa ayaa waxaa guddoomiyaha GOS ku wehliyay Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan GOS ayna ka mid ahaayeen, guddoomiye Ku xigeenka GOS IbraahiM Shaamow, guddoomiyaha Xirirka kubada gacanta isla markaan ah kaaliyaha xogahayaha Gos Maxamed Xasan Xuurshe (Eenow), rugcaddaa sport ahna guddoomiyaha XSF Xaaji Maxamed Axmed Colow, madaxa caafimaadka GOS Dr GIA iyo qaar ka mid ah madaxda xiriirada dalka.
Dhinaca rugcaddaayaasha sport ga Soomaaliyeed ee ayagu ka qaybgalay qado sharaftan ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiye sharafeedka GOS ahna guddoomiyihii hore ee GOS Cabduqaadir Gacal Abkow, Garsoorihii hore ee caalamiga ahaa Maxamed Faarax Axmed (Damdamis), Cadde Xasan Cali Gaaboow, macalin iyo Xoghaye Hore Gos, Cabdi Cali Macalin ( faroole )Agaasimhii hore ee wasaarada Howlaha Guud, haddana ah Guddoomiyaha isboortiga gobolka Mennisota ee cariga Maraykankan, Maxamed Axmed Caalin,( Guddoomiye ku xigeenkii hore GOS, agaasime Horseed iyo Guddoomiyaha xiriirka Laliska), Axmed Cilmi Faarax (Xoghayihii hore ee XSKC), Maxamed Cali Xasan ( Killer) (cayaaryahan hore ee Naadigii Horseed), Maxamed Xaaji Cali(Garsoore hore isla markaana masuul kasoo noqday xiriirka kubada Miiska) , Faarax Muuse Saciid oo ahaa Laacib hore kubadda kolayga , Asad Cismaan Cali oo sidoo kale cayaaryahan hore kooxdii Somalita ee kubadda Kolayga iyo martisharaf kale.
Guddoomiye GOS Cabdullahi Axmed Tarabi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka ay kulankan isu yeereen dadkii hore ay tahay in ay dhagaystaan talada horumarineed oo ay ku soo biirin karaan si hore loogu socdo, wuxuuna Guddoomiye Tarabi dhanka kale tilmaamay in ay qorshaynayaan inay in haddii ay isku afgartaan odayaasha iyo rugcaddaaga sportga ay ka taageeraan sidii ay rugcaddaaga iyo dadka aqoonta fog u leh qaybaha kala gedisan ee sport ga kuna kala nool daafaha dunida ugu samayn lahaayeen dalad midaysa oo ay qayb kaga noqdaan horumarinta sport ga dalka, xafiiskan ayaa ka qaybqaadan doona sidii loo jogtayn lahaa kulamada noocaan oo kale ah oo bahdii hore lagu kulminayo si loogaaro hadafka horumarinta isboortiga kaasoo aan ku koobnaan oo kaliya GOS iyo xiriirada hoos yimaada, balse ay ka qayb qaataan bahdii hore ee isbortiag dalka iyo dibaddaba.
Guddoomiyaha oo ku dheeraaday soo dhawaynta iyo marxabaynta mas'uuliyiintan kaalinta muga leh ka soo qaatay sare u qaadidda sport ga dalka ayaa carabka ku adkeeyay in Guddiga Olibmbikada Soomaaliyeed ay ka go'an tahay in ay siiyaan xushmadda iyo qadarinta ay mudan yihiin dadkii kaalinta ka soo qaatay cayaaraha dalka isla markaana ay diyaar u yihiin in ay dhagaystaan talooyinkooda kana faaiidaystaan waaya aragnimadoooda baaxadda leh ayagana looga baahan yahay in aysan u arag in albaabada GOS iyo xiriirada dalku u xiran yihiin dad gooni ah ayna ku dhiiradaan sidii ay talooyinka wanaagsan u gudbin lahaayeen.
Wada sheekaysi iyo fikir iswaydaarsi badan ka dib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Axmed Caalin oo ka mid ahaan jiray madaxdii GOS, waxuuan tilmaamay in uu yahay shaqiga ugu da'da wayn masuuliyiinta goobta ku sugnayd dhiigiisuna uu isboorti yahay diyaarna uu u yahay inta ay nafta ku jirto in uu ka qayb qaato horumarka isboortiga, Waxuuna mahad celin balaaran u soo jeediyay guddoomiye Tarabi oo lahaa fikrada laysugu keenay badhii hore ee dalka iyo waliba dadkii ayagu u soo dhabar adeegay noolaynta sport ga dalka xiliyadii uu dalku ku jiray burburka isla markaana ku soo shaqeeyey xaalaada ad adag.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiye Sharafeedka GOS Cabdulqaadir Gacal Abkow, waxuuna sheegay in isboortiga dalka aysan horumarin karin oo kaliya GOS Iyo Xiriirada, basle loo baahan in lahelo gacan dowladeed si loogaaro himilkooyinka la hiigsanaayo, wuxuuna dhinaca kale sheegay in sidoo kale bahdii hore ee cayaaraha oo ayagu isugu jira waaya arag iyo aqoonyahano sport intaba ay lama huraan u tahay ka talobixinta iyo waliba in ay aragti ku yeeshaan isboortiga waxuuna ku raacay guddoomiye Tarabi in la sameeyo dalad ay ku kulmaan dadkii isbortiga dalka kasoo shaqeeyay taasoo wax badan ka tari doonta horumarka la hiigsanayo.
Sheekooyin badan oo taariikhi ah kuna aadanaa heerarkii sport ga dalka iyo xusid dadkii ka soo shaqeeyey ka dib ayey bahdii hore ee isugu timid kulankan qado sharafta ahaa oo qaarkood aysan is arag in kadban 30 sano waxa ay isku raaceen in la joogteeyo kulamadan oo kale lana qabto sanadkiiba ugu yaraan 3 jeer si qayb kasta oo ka mid bahdan oo dalka dib ugu laabatba u helaan fursad ay fikir uga dhiibtaan horumarka sport ga dalka ayadoo gabagabadiina la isugu marxabeeyey laguna ducaystay in alle isugu keeno kulanka xiga haddii alaha awoodda lihi ogolaado.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department
GOS oo kulan wada tashi ah la qaadatay Masuuliyiinti hore ee isboortiga+ Sawirro
Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi aya kulan qado sharaf ah ugu sameeyey gudaha magaalada Mugadishu masuulyiintii hore ee qaybaha kala gedisan ee isboortiga, macalimiin hore, garsooorayaal iyo waliba cayaartoy hore,