Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ay wehliyeen guddoomiyaha GOS, guddoomiyayaal xiriiro iyo xubno ka tirsan GOS iyo Xiriirka kubada cagta ayaa manta kormeer uu ugu kuurgalayo garoomada cayaaraha ku soo maray garoomo kala duwan.
Wasiirka oo ay ay kormeerkan ku wehliyeen guddoomiyaha GOS C/Laahi Axmed Tarabi, Gudddoomiyaha XSKC Cabdigani Saciid Carab, Guddoomiyaha XSKG Mxamed Xuurshe Xasan (Eenow) iyo xubno kale ayaa Garoomada ay kormeeka ku sameeyeen waxaa ka mid ahaa garoonka kubadda cagta Banaadir, kan kubadda kolayga iyo dabaasha ee Wiish, iyo garoonka Jaamacadaha, ayadoo garoonka uu kpormeerkoodu ka bilowday ee Banaadir ay xiligaasi tababar ku qaadanayeen xulka qaranka kubadda cagta ee dalka.
Ugu horayn guddoomiyaha GOS Cabdullahi Axmed Tarabi ayaa ka warbixiyay baahiyaha ka jira garoomada oo muhiim u ah tartamada kale gadisan waxuuuna tilmaamay garoonka in sida uu u jeedo garoonka Banaadir la dhigay coskii macmalka ahaa basle qaybta ciyaaraha fudud aysan dhisnayn taasoo dhibaato ku ah ciyaartoyda cayaaraha fudud iyo xiriirkoodaba ayna kala kulmaan caqabado ay ka mid yihiin dhaawacyo soo gaara orodyahanada dalk,.

Guddoomiye Tarabi oo dhanka kale ka warbixinayey garoonka KK ee Wiish ayaa tilmaamay in garoonka Wiish ay hadda ksi joogta ah tartamo uGu qabtaan 3 xiriir oo kala ah kubada kolayga, Gacanta iyo Laliska walina uu u baahan yahay dayactir gaa ahaan qaybta dabaasha iyo waliba nalalka garoonkaba.
Tarabi ayaa intaa ku daray in Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo xiriirada kala gedisanba ay wax badan ku soo shaqeeyeen garoomadan oo aan lahayn adeeg dhamaystiran, dhibka ugu wayna uu yahay xirnaashaha garoonkii uGu waynaa uguna casrisanaa dalkeena ee Stadium Muqdisho oo ay ku yaalaan garoomo ay isticmaali karaan xiriiro badan oo aah hadda haysan goob ay ku tababaraan cayaartoydooda ayna uga maarmi karaan halka garoon oo ay kala sugayaan.

Guddoomiye Tarabi oo dhinaca kale la hadlayey cayaartoydii xulka qaranka ee ku tababaranaysay garoonka Banaadir ayaa u sheegay in ciyaarahan ay isku diyaarinayaan ay Olympikada adduunka ka tirsan yihiin, GOS na ay gacan ka gaysan doonto, ciyaartoyduna ay ku dadaalaan in ay muujiyaan asluub iyo is maqal oo laf dhabar u ah guusha.

Guddoomiye XSKC Cabdi Qani Saciid Carab oo ka hadlay garoonka Banaadir ayaa soo dhaweeyay booqashda wasiirka dhalinyarada waxuuna wasiirka uga warbixyay xaaladaha adag uu xiriirka ku soo shaqeeyay,dadaal kiibalaarnaa uu xiriirka u galay sidii garoonka Banaadir loo dhigi lahaa kuna guulaysteen in ay dhigaan cowska macmalka ah sida garoomada caalamiga, haddana ay dayactir ku socoto qaybta Tareebuunka isla markaana uu xiriirku bilaabay dhismaha garoonkii labaad oo ah kan Jaamacadaha wuxuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in gacanta dowlada xiligan loo baahanyahay.
Wasiirka Dhalinyarda iyo isboortiga Maxamed Cabdullahia Xuseen Nuux ayaa sheegay in ujeedka kormeerkiisu yahay in wasaaraddu ogaato xaaladaha iyo garoomada ay ku shaqeeyan GOS iyo xiriirada cayaaraha dalku, kadibna ay wasaraddu qaado talaabada ku haboon ee lagu horumarin karo ciaaaraha dalka, iyagoo kaashanaya GOS iyo xiriirada dalka.

Wasiirka ayaa dhanka kale hadalo dhiirigelin ah u jeediyay Ciyaartoyda xulka qaranka iyo macalimiintoodaba oo uu kula dardaarmay inay dadaal muujiyaan iyo asluub wanaagsan wasaaraduna ay garabkooda taagnaan doonto.
Wasiirka ayaa kormeerkiisa ku soo gabagabeeyay xarunta Guddiga Olombida Soomaaliyeed halkaas uu kulan kula qaatay madaxda GOS iyo xiriirada ayagoo ka hadlay qaabka ugu haboon oo ay u jooogtayn lahaayeen wadashaqayntooda iyo waliba xoojinta xiriirkan wadashaqayneed ee u bilowday wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, GOS iyo xiriirada dalka.

Waa wasiirki ugu horeeyay ee wasaarada dhalinayarada iyo cayaaraha oo kormeer balaaran ku sameeya dhamaan garoomada lagu ciyaaro iyo kuwa burbursan ee u baahan in la dayac tiro taasoo rajo iyo yididdiilo gelisay madaxda cayaaraha dalka.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department
Wasiirka dhalinyarada iyo sportga oo kormeeray garoomada cayaaraha.
Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ay wehliyeen guddoomiyaha GOS, guddoomiyayaal xiriiro iyo xubno ka tirsan GOS iyo Xiriirka kubada cagta ayaa manta kormeer uu ugu kuurgalayo garoomada cayaarah