Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Maalinta nabadda iyo cayaaraha dunida oo laga xusay Soomaaliya.

0
Tuesday April 07, 2015 - 01:30:34 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta nabadda iyo cayaaraha dunida oo laga xusay Soomaaliya.

    Munaasabad aad u balaaran oo lagu xusayay Maalinta dunida looga dabaaldego isticmaalka cayaaraha ee nabadaynta dunida iyo maalin looogu magac daray maalinta cayaartoyda Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacday garoonka Banaadir ee magaalada Mogadishu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad aad u balaaran oo lagu xusayay Maalinta dunida looga dabaaldego isticmaalka cayaaraha ee nabadaynta dunida iyo maalin looogu magac daray maalinta cayaartoyda Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacday garoonka Banaadir ee magaalada Mogadishu.

Munaasabaddan oo si aad ah loo soo diyaariyey ayaa waxaa ka soo qayb galay in kabadan 1000 cayaartoy oo wiilal iyo gabdho isugu jiray kana kala socday kooxaha hoos taga 9 xiriir oo xubno ka ah  Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed,  degmooyinka gobolka Banaadir, iskuulada, ciyaartoydii hore, Mas'uuliyiin ka socotay wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga iyo maamulka Gobolka Banaadir.

 

Ciyaartoyda ayaa ugu horeyntii socod ku soo maray garoonka ayagoo si aad u qurux badan ugu labisnaa dharka ay koox waliba caanka ku tahay, waxaana intaasi ka dib kalmadihii furitaanka ahaa qaatay xogahayaha GOS Duran Axmed Farax oo ka sheekeeyey qiimaha maalintan wayn ee 6da April  xambarsan tahay isla markaana ay sanadkan ka kooban tahay Laba munasabadood oo kala ah Maalinta nabada iyo isboortiga Caalamka  iyo Maalin loo aasteeyey cayaartoyda Soomaaliyeed waxuuna mahad celin u soo jeediyay xiriirada, degmooyinka gobolka, dugsiyada iyo dhamaan intii isku howshay in ay ka qayb qaadato Maalintan qaaliga ah.

 

Guddoomiye ku xigeenka XSKC Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) oo ka hadlay Munasabadda ayaa sheegay in xiriirka kubda cagta uu garoonka Banaadir isugu keenay kooxaha u diiwaan gashan si uu uga qaybqaato una wayneeyo munaasabadahan noocaan ah oo qiimaha ugu fadhiya cayaaraha dalka guud ahaan.

 

Laacibkii Hore  Xulka Qaranka Soomaaliyeed iyo Kooxdii Muqdisho Axmed Cabaas Busuri oo ku hadlay magaca cayartoyda Soomaaliyeed kuwii hore iyo kuwa hadda ayaa soo dhaweeyay maalin ay yeeshaan ama lagu xasuusto cayaartoyda Soomaaliyeed waxuuna ugu baaqay dhamaan cayaartoyda iyo bahda jecel in ay ka qayb qaatan horumarinta isboortiga.

 

Guddoomiyaha GOS Cabdullahi Axmed Tarabi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay maanta ay tahay maalinta nabadda iyo isboortiga caalamka sidoo kale maalinta ciyaartoyda Soomaaaliyeed, waxuuna intaa ku daray in cayaartoyda ay yihiin tiirka ugu muhiimsan isboortiga la' aantoodna uu isboortigu jiri karin.



 

Guddoomiye Tarabi oo hadalka sii wata ayaa raaciyey in cayaartoydani ay maanta isugu soo baxeen in ay codkooda muujiyaan isla markaana wayneeyaan maalintan loo asteeyey, Guddiga Olimbikada Soomaaliyeedna uu balan qaadayo in uu joogtayn doono qiimaynta maalintan sanadka dambana ay munaasabaddani ka balaaran doonto midda maanta.

 

Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyrada iyo cayaaraha Cusmaan Aadan Dhuuboow waxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uuu maanta ka soo qaybgalo kulanka qiimaha wayn ayna isugu yimaadeen cayaartoyda soomaaliyeed kaasoo sare u qaadaya cayaaraha dalka isla markaana abuuraya isdhexgalka dhalniyarada.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa intaa ku daray in wasaarad ahaan ay ogsoon yihiin in dhalinyaradu lafdhabar u yihiin nabadda iyo cayaaraha ayna la garab taagan yihiin taageero dhinav kasta ah bahwaynta cayaaraha dalka  iyo wax kasta oo lagu horumarinayo cayaaraha, wuxuuna wasiirku ugu dambayntii mahadnaq balaaran u soo jeediyey Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo xiriiradiisa oo howshan qiimaha leh soo abuulay.

 

Munaasbadaha lagu waynaynayey maalinta nabadda iyo cayaaraha dunida ayaa soo bilowday 4tii bishan kolkaasoo GOS uu soo qabanqaabiyey koob lagu xusayey madaxdiii cayaaraha dalka oo naftooda ku waayey horumarinta cayaaraha halka maantana lagu soo gabagabeeyey munaasabaddan aan hore nooceeda oo kale uga dhicin dalka laguna mataaneeyey maalinta cayaartoyda Soomaaliyeed.  

 

W/D:  Xuseen Maxamed  Hadaafow

Nocsom Media Department.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.