Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo Booqatay Xarunta tababarka Xulka qaranka ciyaaraha Fudud+Sawirro

0
Friday April 10, 2015 - 18:16:24 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo Booqatay Xarunta tababarka Xulka qaranka ciyaaraha Fudud+Sawirro

    Mas'uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyed oo uu horkacayey xoghayaha Duraan Axmed Faarax kormeer hawleed ku sameeyay garoonka tababarka cayaartoyda orodada ee xulka qarannka Soomaaliyeed oo diyaar garowga ugu jra cayaaraha (All Afri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyed oo uu horkacayey xoghayaha Duraan Axmed Faarax kormeer hawleed ku sameeyay garoonka tababarka cayaartoyda orodada ee xulka qarannka Soomaaliyeed oo diyaar garowga ugu jra cayaaraha (All African Games) kuwaasoo Bisha September ee sanadkan ka dhici doona dalka Congo.

Xoghayaha GOS oo halkaasi kula hadlay orodyahanadan oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa u sheegay in ay xero ku jiri doonaan mudo 4 bilood ah ee soo socota taasina ay tahay xili wanaasgan oo ay ugu diyaargaroobi karaan tartanka All african Games.

 

Duran ayaa dhanka  kale ciyaartoyda kula dardaarmay in ay noqdaan kuwa u hogaansama amarada macalimiintooda isla markaana tababarka ay si wanaagsan u qaataan.

 

"Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed waxaa uu aad ugu dadaali doonaan sidii aad u heli lahaydeen waxyaabaha aad u baahan tihiin si aad tababar wanaagsan u heshaan idinkana waxaa la idinka rajaynayaa in aad kaalintiina ka soo baxdaan guulaha iyo horumarka la idinka filayana ku dadaashaan". Ayuu Xoghayaha hadalkiisa ku soo gebageeeyay.

 

Ciyaartoyda u xaraysan diyaargarawga cayaaraha Afrika ayaa ka kooban 12 cayaartooy, 9 wiil iyo 3 gabar waxaana tababarka siin doona 3 macalin oo ka mid ah macalimiinta cayaaraha fudud ee dalka ayagoo xaraysnaan doona ilaa bisha August ee sanadkan.



W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow


Waaxda Warfaafinta Gos



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.