Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaalia oo guulo ka soo hoyday Ciyaaraha Doomaha Bariga Afrika+Sawirro

0
Saturday April 18, 2015 - 16:39:21 in Xiriirka Doomaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalia oo guulo ka soo hoyday Ciyaaraha Doomaha Bariga Afrika+Sawirro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee Doomaha ayaa guulo ka soo hooyay tartanka ciyaaraha Doomaha ee Bariga iyo bartamaha Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee Doomaha ayaa guulo ka soo hooyay tartanka ciyaaraha Doomaha ee Bariga iyo bartamaha Afrika.



Tartankan oo ka dhacay magaaalda Khartoum ee dalka Sudan waxaa ka soo qayb galay dalalka Somalia, Kenya, Sudan, Djibouti, Eretrea iyo Uganda oo laysku yiraahdo (CECAROCAF)

 

Waxaa Soomaaliya uga qayb galay sedex ciyaaryahan oo kala ah Asad Maxamed Xasan iyo Axmad Nuur Aadan oo ku tartamayay 500 Mitir iyo Cabdifitaax Cabdullahi Muuse oo ku tartamayay 200 Mitir.

 

Wiilasha Soomaaliyeed ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka 200 Mitir, halka ay kaalinta sedexaad ka galaeen 500 Mitir, waxayna gacanta ku soo dhigeen bilaada Qalinka iyo tan maarta.

 

Dhanka kale isla magaalada Khartoum ee dalka Sudan waxaa ka dhacay Shirwaynaha xiriirada Doomaha qaarada Afrika waxaana Soomaaliya uga qayb galay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Doomaha Saciid Maxamed Maxamuud Xeyd isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka xiriirka Doomaha Qaarad Afrika (Confederation African Canoe)
 

SHirkan ayaa looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa xiriirada doomaha qaarada Afrika, waxaana halkaas looga dooday hindise Sharciyeed oo ay soomaaliya soo jeedisay kaa soo ahaa in xal loo helo arin la isku mari waayey oo ahayd Xoghayaha guuud iyo xisaabiyaha oo kala dagan Kenya iyo Morocco sidii ay u wadagi lahaayeen saxiixa, waxaaan Soomaaliya u soo jeediyay in Xisaabiyaha laga saaro dastuurka oo howshaas loo wada idmado Xoghayaha oo lagu kordhiyo Guddoomiye kuxigeen 3aad, waana la isku raacay.

 

Shirkan waxaa dhinac socday shirka Guddiga Fulinta Xiriirka Doomaaha Caalamka International Canoe Fedeation oo marki ugu horeysay lagu qabtay dalka Afrika ka soo looga dooday sidii ciyaaraha doomaha ay ula tartamami lahaayeen ciyaaraha kale ee caalamka loona horumarin lahaa.

 

Doorka Soomaaliya ee xagga maamulka iyo xaga tartamada ayaa ah mid muuqda oo marba marka dambeeya sare u sii kacaya,iyadoo Soomaaliya loo balan qaaday in lasoo gaarsiin doono qalab ay tababar ku qaatan si ay u horumariyaan ciyaaraha Doomaha.



W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.