Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo ka qayb qaadatay Sagootinta xulka qaranka 23 jirada

0
Friday April 24, 2015 - 18:17:55 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo ka qayb qaadatay Sagootinta xulka qaranka 23 jirada

    Xoghayaha GOS, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha guddiga fulinta ee XSKC ayaa ka qaybgalay xaflad lagu sagooyinayay ciyaartoyda xulka qaranka kubada cagta ee 23 jirada oo ka qayb galaya is reeb reebka cayaaraha Olombikada Aduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha GOS, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha guddiga fulinta ee XSKC ayaa ka qaybgalay xaflad lagu sagooyinayay ciyaartoyda xulka qaranka kubada cagta ee 23 jirada oo ka qayb galaya is reeb reebka cayaaraha Olombikada Aduunka. Xoghayaha Gos oo ka hadlay munaasabaddan oo ka dhacday maqaayadda Villa Sultan ee magaalada Muqdisha ayaa sheegay in ay jiraan duruufo badan oo haysta isboortiga dalka oo ay qayb ka tahay in aan lagu ciyaari karin dalka cayaaro caalami ah, iyo ciyaartoyda oo aan haysan agabkii loogu talo galay hadday ahann lahayd dhaqaalo iyo diyaar garoow wanaasgan intaba sida wadamada kale ee caalamka.


Xogahayaha ayaa dhinaca kale tibaaxay in inkastoo aduunyadu naga aaminsan tahay  in wadanka ay dagaalo iyo dhibaato badani ka socdaan ayna aad muhiim u tahay in aan muujino ama xaqiijino in isboortigi dalku uu halkiisa ka sii socdo uusana istaagin dhibaatooyinkaasi oo jira uuna aad ugu faraxsan yahay in maanta ay xulka qaranku ee kubadda cagtu astaan u yihiin isboortiga dalka iyo sida uu u noolyahay.



Xoghayaha GOS ayaa dhanka kale soo dhaweeyay dadaalada ay ku jraan qaar ka mid ah xiriirada dalka si ay uga qayb galaan tartamada caalamiga ah , waxxuuna ciyaartoyda kula dardaarmay in ay anshax wanaagsan la yimaadaan kartidoodana ay muujiyaan asagoo gabagabadii hadalkiisa u rajeeyey guul ciyaaraha ay ka qaybgalayaan.


Xulka Qaranka kubadda cagta ayaa 25ka bishan magaalada kigali kula ciyaari doona xulka dalka Rwanda lugta hore ee isreeb reebka Ciyaaraha Olimbikada Aduunka oo 2016-ka ka dhici doona dalka Brazil.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.