Horyaalki 22-aad ee kubadda Miiska oo Muqdisho Ka Furmay+Sawirro
Waxaa shalay magaalada Muqdisho si rasmiya uga furmay Horyaalki 22-aad ee Kubadda Miiska (Table Tennis) oo ay soo qabanqaabiyeen Masuuliyiinta Xiriirka Soomaliyeed ee kubadda Miiska waxaana ka soo qayb galay masuuliyiinka XSKM iyo madaxa amuuraha gob
Waxaa shalay magaalada Muqdisho si rasmiya uga furmay Horyaalki 22-aad ee Kubadda Miiska (Table Tennis) oo ay soo qabanqaabiyeen Masuuliyiinta Xiriirka Soomaliyeed ee kubadda Miiska waxaana ka soo qayb galay masuuliyiinka XSKM iyo madaxa amuuraha gobolada Gos Ibraahij Xuseen Cali (Roombe)
Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka Xiriirka Kubadda Miiska ahna kusimaha Gudoomiyaha C/laahi Ciise Cali waxuuna sheegay in xiriirka kubadda Miiska diyaar u yahay in uu sanadkasta qabto taratamada xiriirka joogtada u ah, sanadkan uu qorshahooda yahay in ay qabtaan horyaalki 22-aad oo ay ka qayb galayaan 5 koox.
Ibraahim Xuseen Cali roombe oo ka socdey Gos ayaa sheegay Xiriirka Kubadda Miiska ku mudan yahay amaan balaaran kadib marki ay kasoo dhalaaleen doorka xiriirka ee ku aadan qabashdatartamada iyo ka qayb galka shirarka caalamiga waxuuna dhawaaqay in tartannka uu furan yahay.
tartankan oo agy ka qayb galayaan ilaa shan koox ayaa kulamo kali kali ah iyo mid koox ahba lagu ciyaaray waxaana lagu wadaa in lasoo gebogebeeyo shanta bishan May.