Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka Ciyaaraha Fudud ciyaaro balaaran ku xusay maalinta Iaaf +Sawirro

0
Saturday May 30, 2015 - 11:04:57 in Xiriirka Ciyaaraha Fudud by Nocsom Editor
  • Visits: 1757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Ciyaaraha Fudud ciyaaro balaaran ku xusay maalinta Iaaf +Sawirro

    Munaasabda maalinta ciyaaraha fudud ee caalamka oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka soomaaliyeed ee kiyaaraha fudud ayaa maanta ka dhacday garoonka Banaadir waxaan ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay Gos, wasaarada dhalinayarda iyo isboortiga iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabda maalinta ciyaaraha fudud ee caalamka oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka soomaaliyeed ee kiyaaraha fudud ayaa maanta ka dhacday garoonka Banaadir waxaan ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay Gos, wasaarada dhalinayarda iyo isboortiga iyo madaxda xiriirka ciyaaraha fudud.



Munaasabadan oo ahayd xuska maalinta xiriirka ciyaraha Fudud ee Caalamka ( Iaaf day) ayaa ahady sanadguuradii 20-aad ee la qabto, xiriirka soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud oo sanad kasta ka qayb qaata ayaa sandkan si wayn ugu dabaal dagay munaasabada waxaana garoonka Banaadir lagu qabtay ciyaaro orodo oo ka qayb galeen wiilal iyo gabdho.


Gebagabadii waxaa halkaas ka hadlay xogahayha XSCF Maxamed Cabduulaahi Dhaaleey waxuuna sheegay in sanadkan uu xiriirka ciyaarah fudud sida caadada u ahayd uu diyaar garow fiican u soo galay xuska IAAFday , waxuuna sheegay in ay ka qayb galeen in kabadan 200 oo ciyaaryahan oo wiilal iyo gabdho isugu jira oo ku loolamayay orodada 100, 200, 400 iyo 800 mitir.



Guddoomiye ku xgeenka XSCF Marwo Khadiijo Aadan Daahir oo munaasadaba ka hadashay ayaa u mahad celisay dhamaan kooxaha iyo ciyaartoyda oo la’aantood ciyaaraha la qabteen sdia ay xustay waxayna sheegyay in xiriirka ciyaaraha fudud uu xuskan u yahay mid sand=adle ah oo ay ka qayb qaataan.


Ibraahin Xuseen Cali Roombe oo guddiga Fulinta Gos katirsan ayaa isna sheegay in ay gos soo dhawaynayso dadaalada xiriirka ciyaaraha fudud waxuuna hambalyo u diray ciyaartoyda ka qaybgashay tartanka gaar ahaan kuwa guulaystay.


Agaasimaha waaxda isboortiga ee wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Cabdulaahi Aaboow Xuseen oo goobta ka hadlay aya sheegay in wasaaradiisu soo dhawaynayso horumada ay sameeynayaan xiriirka ciyaaraha fudud waxuuna ku booriyay in ay halkooda kasii wadaan dadaalada.


Ugu dambayn waxaa halkaas lagu bixiyay abaalmarinadi kalmaha hore ee tartanka maalinta xuska xiriirka ciyaarah fudud e caalamka IAAF day 2015.


 


IMG_5271IMG_5275IMG_5276IMG_5289

IMG_4543IMG_4554IMG_4602IMG_4604IMG_4616IMG_4618

IMG_5297IMG_5334IMG_5341IMG_5346IMG_5352IMG_5363IMG_5380IMG_5385IMG_5388IMG_5406IMG_5435IMG_5443IMG_5453IMG_5463IMG_5473IMG_5495IMG_5501IMG_5505IMG_5530IMG_5532IMG_5536IMG_5554IMG_5570IMG_5581IMG_5595IMG_5596IMG_5604IMG_5613IMG_5618IMG_5622IMG_5628IMG_5634IMG_5639IMG_5644IMG_5649

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.