Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga fulinta GOS oo maanta shir balaaran ku yeeshay Muqdisho,

0
Sunday August 16, 2015 - 00:49:35 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga fulinta GOS oo maanta shir balaaran ku yeeshay Muqdisho,

    Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa maanta xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku yeeshay shirkoodii saddexaad ee uu sanadkan gudihiisa isugu yimaado guddigiisa fulinta kaasoo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha GOS Cabdullahi Axmed Tarabi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa maanta xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku yeeshay shirkoodii saddexaad ee uu sanadkan gudihiisa isugu yimaado guddigiisa fulinta kaasoo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha GOS Cabdullahi Axmed Tarabi.

Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha guddiga fulinta ayaa looga hadlay diyaar garowga ciyaaraha All Aafrican Ggames, waxyaabhii u qabsoomay GOS saddexdi bilood ee la soo dhaafay iyo waxyaabaha la hiigsanayo inta ka hartay sanadkan 2015 iyo waliba sidii loo samayn lahaa xarun-wareed laga daalacan karo dhaqaalaha GOS iyo siyaabaha loo isticmaalo si ay u fududaato la socodka bahda sport ga iyo hay'adaha ku shaqada lehba dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee GOS.

 

Guddoomiyaha GOS Cabdullahi Axmed Tarabi oo shirkan ka hadlay ayaa sheegay in GOS ay  diyaarisay ciyaartoy ka qeyb gali doona tartanka ciyaaraha qaaradda Afrika (All African Games) waxaana ay cayaartoydani ka kooban yihiin Ciyaaraha Fudud iyo Taekwondo ga, iyadoo ciyaartoyda cayaaraha fudud ay tan bishii Janaayo diyaar garow ku jireen halka kuwa Taekwondo ga ay dalka Switzerland tababar ku qaadanayeen si  ay guulo uga soo hoyaaan ciyaarahan All African Game oo bisha September ka furmi doona dalka Congo.

 

Guddoomiye Tarabi ayaa  dhanka kale sheegay in GOS qorshaynayso in ay samayso goob ay ku soo bandhigto dhaqaalaha soo gala Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo qaabka loo maamulo (Online Data Base) taasoo wax badan ka tari doonta la xisaabtanka guddiga iyo waliba isku soo dhawaanshaha guddiga iyo xiriirada xubnaha ka ah, wuxuuna carabka kun adkeeyey in ay dhawaan soo bandhigi doonaan.

 

Guddoomiye Tarabi ayaa dhinaca sheegay in ay sii wadi doonaan wadatashigii bahda isboortiga  gaar ahaan kuwooda waaya-araga u ah horumarinta isboortiga taasoo uu ku tilmaamay in ay muhiimad wayn u leedahay sare u qaadida cayaaraha dalka.

 

Intaasi ka dib waxaa si qoto dheer looga dooday waxyaabihii u qabsoomay guddiga saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo sababah ay qabsoomi waayeen kuwa dhiman waxaana la isla gartay talaabooyin lagu dhamaystirayo hawlaha dhiman oo aan badnayn, waxaa sidoo kale laga dooday qaabka loo wajahayo waxyaabaha la damacsan yahay in la qabto saddexda bilood ee soo socota kuwaasoo ayagana la isla ogolaaday talaabooyinka loo qaadayo.

 

Gabagabadii ayaa waxaa halkaasi la isku raacay qorsha hawleedka saddexda bilood ee soo socota iyo waliba kooxihii ama shaqsiyaadkii hawlahaasi fulin lahaa intaba.

 

Hussein Hadafow

NOCSOM Media Department




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.