Madaxda Xiriirka kubadda Gacanta oo kulan ay go'aan uga gaarayaan kooxda I.L.S ku yeeeshay xafiiskooda Muqdisho ayaa go'aamiyay in kooxda I.L.S laga saaro tartanka kubadda Gacanta ee Wiilasha iyaga oo sidoo kale dib ugala laabtay aqoonsigii kooxnimo ee xiriirka kubadda Gacanta.
Go'aankan ayaa yimid sida uu guddiga sheegay in ay kooxda I.L.S ka baaqsatay ka qayb galka ciyaar katirsan horyaalka 16-aa Wiilasha kubadda Gacanta oo kooxda I.L.S la balansanayd kooxda Dekeddaha, waxayna guddiga sheegeen in go'aankaas maamulka kooxda I.L.S uu Sabab u ahaa in kooxda Soo xaadiri waayaan.
Waa ganaaxii labaad ee kooxda I.L.S la ganaaxo , waxaa todobaadki hore laga ganaaxay seddex ciyaaryahan, basle ganaaxan ayaa ka culus kii todobaadki hore waxaana kooxda lagala laabtay aqoonsiga kooxnimo.
Haddaba Halkan ka aqriso Wareegtada uu Xiriirka go'aanka gu gaaray
Haddaba Halkan ka aqriso Wareegtada uu Xiriirka go’aanka gu gaaray

Xiriirka Kubadda Gacanta oo Ganaax Culus dul DHigay kooxda I.L.S
Madaxda Xiriirka kubadda Gacanta oo kulan ay go'aan uga gaarayaan kooxda I.L.S ku yeeeshay xafiiskooda Muqdisho ayaa go'aamiyay in kooxda I.L.S laga saaro tartanka kubadda Gacanta ee Wiilasha iyaga oo sidoo kale dib ugala laabtay aqoonsigii