Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kooxaha kubada Laliska oo qalab isboorti la guddoonsiiyay xilli lagu wado in uu furmo horyaalka kubadda Laliska +Sawrro

0
Monday September 07, 2015 - 14:26:21 in Xiriirka Kubadda Laliska by Nocsom Editor
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha kubada Laliska oo qalab isboorti la guddoonsiiyay xilli lagu wado in uu furmo horyaalka kubadda Laliska +Sawrro

    Munaasabada lagu iclaaminayay xilliga uu furmayo horyaalka kubadda a Laliska isla markaana qalab isboorti lagu guddoonsiinayay kooxaha xiriirkaas ayaa ka dhacday xarunta Gos , waxaana kasoo qayb galay , masuuliyiin ka soctay Guddiga Olombikada Soomaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabada lagu iclaaminayay xilliga uu furmayo horyaalka kubadda a Laliska isla markaana qalab isboorti lagu guddoonsiinayay kooxaha xiriirkaas ayaa ka dhacday xarunta Gos , waxaana kasoo qayb galay , masuuliyiin ka soctay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, iyo madaxda Xiriirada, Ciyaaraha fudud, Kubadda Gacanta, Kubadda Laliska iyo Kooxaha ka qeyb galaya horyaalka.



Ugu Horeyn waxaa halkaas ka hadlay Xoghayaha Xiriirka kubadda laliska Maxamed Abuukar Xiireey(Liibero) , waxuuna sheegay in sanadkan uu horyaalka ay maal gelinayso Shirkaddda Jubba Airways oo kooxaha ugu deeqday qalabka ay sanadkan ku ciyaarayaan taasna ay ka mid tahay in dadaalka uu xiriirka ugu jiro in la helo shirkado garab istaaga xiriirka iyo kooxahiisa.



Xoghaha ayaa inta ku daray in horyaalka u furmi doono 12 September ayna ka qey gali doonaan 5 koox.



Madaxa Xiriirada Gos Xaaji Maxamed Axmed Colow oo xaflada ka hadlay ayaa ku amaanay xiriirka kubadda Laliska qaabka wanaagsan uu uga fakarayo kooxahiisa iyo sida uu uga caawinayo xagga qalabka taasna ay tahay tallaabo kudayasho mudan, waxuuna xiriirada kula dardaamay in ay dhankasta is garab siiyaan si loo hiigsado horumar.


Ugu damabyn waxaa xalfada ka hadlay guddoomiyaha Gos Cadbullahi Axmed Tarabi waxuuna xiriirka kubadda laliska ku amaanay qaabka ay juhdiga ugu bixiyeen in ay maal gelin u helaan horyaalka iyo kooxahiisa.


Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale xusay in ay muhiim tahay in dhanka dugsiyada loo dhaqaaqo si loo helo ciyaartoy da'yar oo horumar samaynkara, waxuuna tusaale usoo qaaday ciyaartoyda xulka qaranka ciyaaraha fudud oo todobaadkan usafray dalka Congo oo ay uga qeyb galayaan all african Games dhamaan laga keenay Dugsiyada, waxuuna ugu dambayn xiriirka kula dardaarmay inay ballaariyaan shirkadaha maal gelinya xiriirka oo aysan hal shirkaad ku koobaan.

Horyaalka kubadad Laliska 28-aad oo furmaya waxaan ka qeybgalaya shan koox waxan kulanka furitaanka 12 September ku dagaalami doona kooxaha Dekedda iyo Feero.


W/D: Xuseen Maxaed Hadaafow

Nocsom Media Department

IMG_3934IMG_3936IMG_3940IMG_3944IMG_3950IMG_3956IMG_3978IMG_3986IMG_4004IMG_4008IMG_4013IMG_4019IMG_4022IMG_4025IMG_4028IMG_4032IMG_4037IMG_4041IMG_4043IMG_4046IMG_4057IMG_4060



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.