Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalki 6-aad kubadda Gacanta Gabadhaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

0
Thursday September 10, 2015 - 23:07:47 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalki 6-aad kubadda Gacanta Gabadhaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

    Horyaalki 6-aad Gabdha kubadda Gacanta ayaa ka furmay garoonka Wiish, waxaana xafladda furitaanka kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socototay wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda Xiriirada, Kubadda Kolayga, ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horyaalki 6-aad Gabdha kubadda Gacanta ayaa ka furmay garoonka Wiish, waxaana xafladda furitaanka kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socototay wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda Xiriirada, Kubadda Kolayga, ciyaaraha Fudud , masuuliyiinta Xiriirka kubadda Gacanta iyo dadwynaha Jecel ciyaarta kubadda Gacanta.

Guddoomiyaha XIriirka kubadda Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow oo xalfada ka hadlay ayaa u mahad celiyay kooxaha kubadda Gacanta ee u soo diyaar garoobay tartanka iyo Juhdiga ay kusoo bixiyeen ka qeyb galka tartanka.

Guddoomiye Eenoow ayaa inta ku daray in xiriirkiisuay si joogta ah u qabtaan ciyaaraha kubadda Gacanta Gabhaha ayna ballarin doonaan ciyaraha gabdhaha si loo helo ciyaartoy tayoleh oo xulka qaranka u cayaara.

Madaxa Xiriirada Gos Xaaji Maxamed Axmed Colow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Gos ay soo dhaweynayso dadaalka xiriirka kubadda Gacanta waxuuna kula dardaarmay in ay ballaariyaan tartamada ay qabtaan si loo helo Ciyaartooy tayo leh oo heer qaran noqda.

Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha waaxda Isboortiga ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Cabdullaahi Aaboow Xuseen waxuuna sheegay in wasaaraddiisa ay hambalyanayso xiriirka kubadda Gacanta oo fursadda ugu Ballaaran gabdhaha ay ka helaan ciyaraha guddaha iyo dibadda intaba ka qeyb gala waxuuna ku booriyay in ay halkooda kasii wadaan dadaalka wasaaraduna ay garab taagan tahay xilli kasta.

Kulanki furitaanka horyaalka oo ay ku kulmeen Kooxaha Heegan iyo Gaadiidka waxaa 17-4ay guusha ku raacday Gabhaha Heegan oo tartanka difaacanaya

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nosom Media Department


Daawo Sawiradda:

IMG_5846 IMG_5849 IMG_5851 IMG_5853

IMG_5983 IMG_5855 IMG_5956 IMG_5963 IMG_5966 IMG_5971 IMG_5980

IMG_5868 IMG_5869 IMG_5875 IMG_5880 IMG_5882 IMG_5891 IMG_5892 IMG_5896 IMG_5900 IMG_5901 IMG_5903 IMG_5913 IMG_5914 IMG_5918 IMG_5922 IMG_5927 IMG_5933 IMG_6015 IMG_6025



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.