Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gos oo kulan la qaadatay Golaha Abwaanaanada Soomaaliyeed+Sawirro

0
Friday September 18, 2015 - 23:53:09 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gos oo kulan la qaadatay Golaha Abwaanaanada Soomaaliyeed+Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) ayaa kulan la qaatay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed (GAS), waxaana kulankan kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Gos Cabullaahi Axmed Tarabi , Xubno katirsan Guddiga Fulinta Gos, Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Max'ud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) ayaa kulan la qaatay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed (GAS), waxaana kulankan kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Gos Cabullaahi Axmed Tarabi , Xubno katirsan Guddiga Fulinta Gos, Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Max'ud Cabdullahi Ciise Sangub kuxigeenadiisa iyo xubnaha golaha.



Kulanka oo ka dhacay xarunta Gos Waxaa ujeedkiisa uu ahaa sidii Gos iyo Golaha Abwaanada Isaga kaashan lahaayeen Horumarinta arimaha bulshada oo fanka iyo isboortiga qaybta ugu muhiimsan ku jiraan.

Masuuliyiinta Gos iyo Golaha Abwaanaa ayaa kasheekeeyay waayihiin wacnaa ay soo mareen fanka iyo isboortiga Soomaaliyeed sanadahii 70-aadka iyo 80-aadka iyo qaabkii ay uwada Shaqeyn jireen.

Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Max'ud Cabdullaahi Sanguboo goobta ka hadlay ayaa sheegay in hadafkoodu yahay sidii ay dib ugu soo nooleyn lahaayeen wadashaqayntii lagu yaqiin ee ka dhaxaysay fanka iyo isboortiga maadaama ay uwada taagan yihiin horumarinta bulshaa Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada.

Abwaan Sangub tilmaamay in isboortigauu dhiso jirka iyo maskaxda ,Abwaanaduna ay dhisaan Maskaxda haddii ay isk aashadaana ay soo saari karaan dhalinyarowanaagsan oo horumarka dalka ka qeyb qaadata waxuuuna intaa ku daray in Abwaanada ay abuuri doonaan Riwaayado iyo Heeso lagu dhiira gelinayo cayaartoya ka hor qabashada tartanada kala gedisan ee isboortiga dalka.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha GOS Cabullaahi Axmed Tarabi waxuuna Sheegay in ay Gos soo dhaweyneyso go'aanka Abwaanada waxuuna ku tilmamay in ay tahay tallaabo loo baahan yahay oo laf dhabar u ah dhiira gelinta isboortiga.

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale GolahaAbwaanaa uga mahad celiyaygo'aanka ay ku doonayaan in garab istaagaan isboortiga Soomaaliyeed waxuuna ka ballan qaaday in lagu soo war gelin doono shiraraka iyo tartanada cayaaraha dalka ayna si joogta u wada shaqeyn doonaan

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Depatment

 

IMG_7416 IMG_7351 IMG_7394 IMG_7423 IMG_7437 IMG_7441 IMG_7445 IMG_7447 IMG_7448 IMG_7457 IMG_7463 IMG_7469

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.