Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gos Xaflad oo Soo dhaweyn ah usameysay Ciyaartoyda Xulka Qaranka Cayaaraha Fudud+Sawirro

0
Tuesday September 22, 2015 - 02:36:48 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gos Xaflad oo Soo dhaweyn ah usameysay Ciyaartoyda Xulka Qaranka Cayaaraha Fudud+Sawirro

    Xafladan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta Gos waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socdotay wasaaradda dhallinyaradda iyo isboortiga, GOS , xiriirka cayaaraha fudud ururka dugsiyada ururka cayaartoyda , macalimiinta iyo c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta Gos waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socdotay wasaaradda dhallinyaradda iyo isboortiga, GOS , xiriirka cayaaraha fudud ururka dugsiyada ururka cayaartoyda , macalimiinta iyo cayaartoyda xulka.




Ugu Horreyn Waxaa halkaas ka hadlay Maxamed XuseenBashiir oo ka mid ahaa wafdigii hogaaminayay ,Macalinka Cabdi Guuleed , Cabdullaahi Xasan Kuusow oo ku hadlay magaca ururuka Dugsiyada , GuddoomiyahaXSCF Khaadiijo Aadan Daahir, waxayna dhammaanmuujiyeen in loo baahan yahay in loo istaago horumarinta Cayaaraha fudud maadaama ay taariikh wanaagsan dalka ku leedahay taasna lagu gaari karo iskaashi, waxayna u mahad celiyeen Ciyaartooyda guulaha taariikhiga soo hoyay.



Guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Gos ay Ciyaartooydan ka soo xushay Ardayda Dugsiyada kaddibn ay xero tababar iyo xanaanayn ay geeliyeen muddo 8 bil ay xeraysnaayeen si ay tartanka ugu diyaariyaan taana ay keentay in ay qaar ka mid ah heerka fiinaalka Soo gaaraan ayna mutaysteen in loo qabto xaflad soo dhawayn ah.


Guddoomiye Tarabi ayaa intaa ku daray in guushan ay ka timid tartanka dugsiyada, balse haddii la qabto tartanka degmooyinka iyo gobolada ay soo baxayaan ciyaartooy tayo leh oo calanka dalka difaaca taasna ay u baahan tahay dadaal xooggan oo wasaraddu qayb ka tahay, waxuuna ugu dambayn mahad celin ballaaran usoo jeediyay Wasaaradda Dhallinyarada oo door muhiim ka qaadatay ka qayb galka e All Afrian Games.

 


Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyaraa iyo isboortiga Cusmaan Aadan dhuuboow oo hogaaminayay ciyaartooyda ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabahii uu kala soo kulmay Brazziile, waxuuna tilmaamay in ciyaartooyda ay sameeyeen bandhig lagu qanci karo wasaaraduna ay dadaalo u gashay sidii ay ugu heli lahayd dugsiyo tababar oo dalka Ethoipia kuyaal taasoo loo ballan qaaday in lasiin doono.


Waa marki ugu horreysay oo Soomaaliya ka qeybgasho tan all Afrian Games 1999 waxaana Fiinaalka 1500 mtr soo gaaray Cali Iidoow oo ka mid seddexda cayaarayahan oo xulka matalayay iyadoo cayaaryahan ada kale ay bandhig wanaagsan ka sameeyeen tartanka.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow


Nocsom Media Department

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.