Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka kubadda Kolayga Soomaaliya Oo muqdiso ku soo Xeray Tababarka Garsoorka Soonka 5-aad +Sawirro

0
Monday October 12, 2015 - 13:44:14 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka kubadda Kolayga Soomaaliya Oo muqdiso ku soo Xeray Tababarka Garsoorka Soonka 5-aad +Sawirro

    Tababarka garsoorka Soonka 5-aad (Zone V Referees Clinic) oo Magaalada Muqdisho 6 Oktoobar uga furmay garsoorayaashas Soomaaliya iyo Masar ayaa la soo gebogabeeyay , waxaa xafladii xeritaanka oo ka dhacday Gos kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababarka garsoorka Soonka 5-aad (Zone V Referees Clinic) oo Magaalada Muqdisho 6 Oktoobar uga furmay garsoorayaashas Soomaaliya iyo Masar ayaa la soo gebogabeeyay , waxaa xafladii xeritaanka oo ka dhacday Gos kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Gos, qaar kamid ah madaxda Xiriirada dalka, masuuliyiintia Xiriirka kubadda kolayga ,Ciyaartoy hore.




Ugu Horreyn waxaa halkaas ka hadlay Kusikmaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Baasaale, waxuuna sheegay in mudada shanta maalin uu aqoon kororsiga socday garsoorka la baray sharciyada Cusub iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa isla markaana loo qabtay ciyaaro lagu tijaabiyo lagu na qaaday imtixaano isugu jira, aqoonta sharciyada, Luqadda iyo orodka kuwaa oo dhammaan guulo ku dhamaaday.


Guddoomiyaha XSKK Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani ooisna xafladaka hadlay ayaa sheegay in Ujeedkan aqoon kororsiga xiriirka juhdiga ugu bixiyay ay tahay sidi ay soomaaliya ku yeelan lahaydgarsoorayaal heer Caalamiah , garsoorayaasha Imtixaanka Zone V Clinic- ku guulaystayna ay u raadin doonaan mid heer Caalami ah.




Guddoomiye Cadaani ayaa intaa ku daray in aqoon korosiga uu xigi doono dhanka macalimiinta , waxuuna mahad celin usoo jeediyay Gos oo door muhiim ah ka qaadatay qabsoomida aqoon kororsiga, macalinka Fiba ka Socda Axmed Al Falaki iyo garsoorayaasha Reer Masar ee aqbalay in ay tababarka Soomaaliya uga qayb qaataan.


Axmed Al Falaki oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri ” Aqoon kororsiga waxuu ahaa mid guulaystay, waxaana doonayaa in aan u mahad celiyo intii ka shaqaysay in aan halkan imaado tababarkana aan bixiyo,” waxaan joogay maalmo kooban , basle cajiib ah dadka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ii soo dhaweeyeen.


AL falaki ayaa garsoorayaasha u sheegay in ku taagan yihiin wadadii ay heer caalami ku noqon lahaayeen, laakiin looga baahan yahay dadaal dheeri ah si ay u gaaraan hiigsigooda, waxuuna hadiyayka soco xiriirka kubadda Kolayga Masar guddoonsiiyay Guddoomiye Cadaani, isagoo dhankiisa hadiyay ka guddoomay xiriirka kubadda kolayga Soomaaliya.


Sara Gamaal oo ka mid ah garsoorayaasha reer Masar ee aqoon kororsiga ka qayb qaatay oo xaflada ka hadashay ayaa mahad celin usoo jeedisay garsoorayaasha Soomaaliyeed ay tabaraka wadaqaateen waxayna halkaas ku guddoonsiisay buugga cusub ee sharciyadda kubadda kolayga, sidoo kale iyada iyo garsoorayaasha reer kale ee reer masar ayaa hadiyo la wadaagay masuuliyiinta iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha Soomaaliyeed.


Ugu Damabeyn waxaa xafladda soo xeray Guddoomiyaha Gos Cabdullaahi Axmed Tarabi waxuu tilmaamay in la kordhiyo aqoonta garsoorka ay muhiim tahay, balse garsoorayaasha laga doonayo ni ay la yimaadaan wada shaqayn wanaagsan oo dhexdooda ah iyo in ah xiriir wanaagsan ay la yeeshaan macalimiinta si ay is aaminaad u timaado taasoo laf dhabar ah howsha garsoorka.


Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale u mahad macalinka iyo garsoorayaasha ka qayb qaatay tababarkan ee u dhashay dalka Masar , waxuuna xiriirka kula dardaarmay in uu halkisa kasii wado horumarinta kubadda kolayga.

Waa Markii ugu horreysay oo tabarkan lagu qabto dalka Soomaaliya kaddib 1990-ki waana guul usoo hoyatay Isboortiga Soomaaliya, gaar ahaan kubadda Kolayga oo horumar ku tallaabsanaysa.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department

Daawo Sawiradda:

IMG_2641 IMG_2668 IMG_2742 IMG_2749 IMG_2751 IMG_2899 IMG_2927 IMG_2961 IMG_2999 IMG_3438 IMG_3509 IMG_3583 IMG_3602 IMG_3606 IMG_3616 IMG_3645 IMG_3668 IMG_3686 IMG_3695 IMG_3699 IMG_3719 IMG_3727 IMG_3730 IMG_3737 IMG_3762 IMG_3764 IMG_3789 IMG_3794 IMG_3798 IMG_3811 IMG_3815 IMG_3821 IMG_3824 IMG_3829 IMG_3835 IMG_3845 IMG_3850 IMG_3853 IMG_3857 IMG_3863 IMG_3866 IMG_3872 IMG_3876 IMG_3881 IMG_3892 IMG_3896 IMG_3899 IMG_3904 IMG_3910 IMG_3914 IMG_3924 IMG_3925 IMG_3932 IMG_3937 IMG_3953 IMG_3957





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.