Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalki 16-aad kubadda Gacanta oo xaflad heer sare lagu soo gebagabeeyay Garoonka Wiish +Sawirro

0
Wednesday October 21, 2015 - 10:49:40 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • Visits: 1550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalki 16-aad kubadda Gacanta oo xaflad heer sare lagu soo gebagabeeyay Garoonka Wiish +Sawirro

    Xafladan oo lagu soo gebagabaynayay horyaalki 16-aad Kubbadda Gacanta Wiilasha ayaa ka dhacdaya garoonka Wiish waxaana kasoo Qeyb galay , Wasiirka Dhalinyarda iyo isboortiga , Taliyaha Ciidanka Boliska, Abaan duulaha Ciidanka Xoogga, Xoghayaha Gos Xu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladan oo lagu soo gebagabaynayay horyaalki 16-aad Kubbadda Gacanta Wiilasha ayaa ka dhacdaya garoonka Wiish waxaana kasoo Qeyb galay , Wasiirka Dhalinyarda iyo isboortiga , Taliyaha Ciidanka Boliska, Abaan duulaha Ciidanka Xoogga, Xoghayaha Gos Xubno katirsan guddiga Fulinta Gos, Madaxda Xiriirada Kubbadda Gacanata , Cagta , Kolayga , Ciyaaraha Fudud iyo Baybayda Booliska Soomaaliyeed.



Kulanki Xeritaanka oo dhex maray kooxaha Heegan iyo Horseed ayaa waxaa garoonka soo buux dhafshay ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo isugu jiray Wiilal iyo gabdho oo iyaga oo aan hubaysnayn sacab iyo sawaxan ku taageerayay kooxda Heegan oo ku ciyaarta magaca Booliska waxayna ciyaarta kusoo idlatay 14-12 oo ay guusha ku raacday Kooxda Heegan.


Gebagebadii waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka kubbadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow waxuuna sheegay in horyaalka 16-aad ee Wiilasha uu muddo 3 bil ah socday isl amarkaana si nabad ah kusoo idlaaday , xiriirkana ay sharaf weyn u tahay in xeritankisa ay kasoo qayb galaan masuuliyiin , miisan culus oo dowlada ka tirsan.




Xogahayaha Gos Duran Axmed Faarax oo ka halday xafladda ayaa sheegay in isboortiga u shaqaynayay markii uu dalka Burburka ku yimid maadaama la helay nidaam iyo dowlad hadda loo baahan yahay in dowlada ay kaalinteeda qaadato si loo gaaro isboortis wanaagsan oo horumar sameeya.


Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in isboortiga u muhiimad gaar ah ugu fadhiyo ciidanka booliska ayna ka qayb qaadan doonaan horumarkiisa, waxuuna tilmaamay in ay sharaf u thay kasoo qayb galkan xafladan qiimaha leh.


Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo xaflada soo xeray ayaa ku dheeraaday muhiimda uu isboortiga u leeyahay nabadda iyo horumarka waxuuna timaay in Wasaaraduusu ay ka qayb qaadanayso horumarka lawda hiigsanayo, waxuuna ammaan usoo jeediya xirirka kubadda gacanta oo dadal ballaran muujiyay.

Ugu dambeyn waxaa halkaas lagu bixiyay abaalmarinadi tartanka waxaana ka mid ahaa

Heegan koobka horyaalka.

Horseed Koob kaalinta labaad

Nationlink Koob kaalinta seddexaad

Cabditiaax Buukaale Gooldhaliyaha Tartanka

Cali Maxamed Aadan Cali Baraawni Laacibka tartanka.

W/D:Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfafinta Gos

Daawo Sawiarada:

IMG_8513 IMG_8532 IMG_8553 IMG_8585 IMG_8586 IMG_8596 IMG_8598

IMG_8626IMG_8621IMG_8615IMG_8503 IMG_8506 IMG_8512 IMG_8524 IMG_8531 IMG_8555 IMG_8565 IMG_8566IMG_8746IMG_8765IMG_8634IMG_8649IMG_8651IMG_8658IMG_8670IMG_8673IMG_8686IMG_8687IMG_8704IMG_8710IMG_8714IMG_8721IMG_8724IMG_8730IMG_8811IMG_8820IMG_8840IMG_8860IMG_8900IMG_8904IMG_8908IMG_8915IMG_8921IMG_8925IMG_8934IMG_8944IMG_8949IMG_8963IMG_8984IMG_8994IMG_9004IMG_9007IMG_9010



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.