Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirwaynaha Xiriirka kubadda Gacanta Aduunka+Sawirro

0
Thursday November 12, 2015 - 09:01:14 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • Visits: 1915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirwaynaha Xiriirka kubadda Gacanta Aduunka+Sawirro

    Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Gacanta Nuur Maye cusmaan ayaa kaga qeyb galay magaalada SOCHI, ee dalka Russia Shirweynihii Xiriirka Kubadda Gacanta Adduunka oo ay ka soo qeyb galeen 198 waddan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Gacanta Nuur Maye cusmaan ayaa kaga qeyb galay magaalada SOCHI, ee dalka Russia Shirweynihii Xiriirka Kubadda Gacanta Adduunka oo ay ka soo qeyb galeen 198 waddan.

hirweynaha oo socday 6-9 November, ayaa waxaa si rasmi ah u furay Waasiirka Cayaaraha Ruushka Vitaly Mutko, oo ku soo dhoweeyey wufuudda Magaalada Sochi iyo guud ahaan Midowga Ruushka, kadibna waxaa daadihinta shirka la wareegey Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Adduunka Dr Hassan Mustafa, oo aad ugu mahad celiyey dhammaan ka soo qeyb galayaasha iyo waddanka Ruushka oo suurta geliyey in muddo kooban gudahood uu ku qabsoomo shirweynahan maadaama laga soo wareejiyey inay marti geliyeen dowladda Hungary.



Xoghaye Nuur Maye ayaa ka warbixiyey in shirka ugu horeyn laguda galay u codeynta waddamada soo gudbiyey marti gelinta koobabka 2019 iyo 2021, waxaana ku guuleystey Poland iyo Spain U21, rag iyo haween, halka U19 ay ku guuleysteen in ay marti geliyaan Macedonia iyo Croatia, kadib waxaa la dhegeystey soo jeedinta waddamadii marti gelin lahaa shirweynaha dhici doona 2017 oo ay isu soo sharaxeen Qatar, Australia iyo Masar, waxaana ku guuleystey waddanka Australia inuu marti geliyo 2017.

Intuu uu shirka socday Xoghayaha Xiriirka Somaliyeed Kubadda Gacanta Mudane Nuur Maye Cusman ayaa wuxuu kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah ka qayb galayaasha shirka , islana meel dhigeen in wada shaqeyn dhex marto xiriiradooda, wuxuuna ugu dhamaaday is afgarad.


sidoo kale wuxuu xoghayuhu sheegay in Xiriirka Kubadda Gacanta uu kaga qeyb geli doono waddanka Jabuuti tartan kubadda gacanta ah oo wiilal iyo gabdho ah bartamaha bisha Janaayo, Nuur Maye wuxuu intaa ku daray in sidoo kale uu xiriirku ka qeyb geli doono bartamaha sannadka soo socda koobka bariga iyo bartamaha afrika oo wiilal iyo gabdho ah, uuna dhinac socon doono tartanka kubadda gacanta bacaadka ah.


Xiriirka Soomaliyeed ee kubadda Gacanta ayaa ku jira dadaalo ballaaran lagu horumrinayo kubadda Gacanta dalka iyagoo goor dhaw soo gebagabeyay horyaalka Wiilasha iyo gabdhaha islamarkaana qorshaynaya in ay ababulan tartano degmooyinka iyo iskuulada ay ka qayb qadanayaan.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda warfaafinta Gos





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.