Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xoghayaha Guddiga Olombikada Soomaliyeed oo ka qeyb galay Shirweynaha Anoca+Sawirro

0
Thursday November 26, 2015 - 22:49:45 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 2106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guddiga Olombikada Soomaliyeed oo ka qeyb galay Shirweynaha Anoca+Sawirro

    Waxaa magaalada Port Louis ee dalka Mauritius lagu soo gebagabeeyay shirweynihii 16aad ee ANOCA, Association of National Olympic Committees of Africa, waxaana kasoo qayb galay dhammaan wadamada xubnaha ka ah , iyo guddoomiyaha IOC Dr. Thomas Ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Port Louis ee dalka Mauritius lagu soo gebagabeeyay shirweynihii 16aad ee ANOCA, Association of National Olympic Committees of Africa, waxaana kasoo qayb galay dhammaan wadamada xubnaha ka ah , iyo guddoomiyaha IOC Dr. Thomas Bach, waxaana Soomaaliya uga qayb galay Xogahayaha Guddiga olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax.

Shirkaan oo labadii sanaba mar la qabto ayaa magaalada Port Louis ee dalka Mauritius ka socday 24-25 bishan November waxaana aad loogu lafa guray waxyaabihii lasoo qabtay labadii sano ee lasoo dhaafay iyo qorshaha soo socda oo ay ugu horeyso ciyaraha Olombiakda aduunka

 

Waxaa ugu horreyn shirka ka hadlay guddoomiyaha ANOCA Gen. Lassana Plenfo oo ka warbixyay Horumarka ay ANOCA ku talaabsatay labadii sano ee lasoo dhafay, sidoo kale waxaa warbxino laga dhagaystay xoghayaha Thomas Sithole iyo khasnajiga Habu Gumel, dhanka kale guddoomiyaha IocDr. Thomas Bach ayaa shirka ka jeediyey warbixin dheer oo ku aadan qorshaha IOC 2020 iyo sida looga baahan yahay guddiyada Olombikada Qaaradda afrika iney u dabaqaan qorshahaas.

Waxaa kaloo warbixinno soo jeediyey ururuka ciyartoyda Afrika , ANOCA athletes commission ,ururuka haweenka iyo isboortiga , kooxda Olympic Solidarity oo uu horkacaayo madaxooda Pere Mirom iyo kooxda Rio 2016 oo ka warbixiyay halka ay mareyso diyaargrowga marti gelinta tartanka olombikada aduunka.

Geesta kale Xoghhayaha Gos Duraan Axmed Faarax ayaa inta uu shirka socday kulamo la qaatay Madaxda IOC iyo Madaxada ANOCA waxuuna kala hadlay sidii loo horumarin lahaa isboortiga Afrika gaar ahaan Soomaliya oo kujirta xaalad u baahan in mudnan gaar ah la siiyo waxuuna kulankooda kusoo dhamaaday guul.

 

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta Gos





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.