Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Tababar Kubadda Laliska oo Muqdisho lagu soo gebagabeeyay +Sawirro

0
Sunday November 29, 2015 - 01:32:30 in Xiriirka Kubadda Laliska by Nocsom Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababar Kubadda Laliska oo Muqdisho lagu soo gebagabeeyay +Sawirro

    Tababar heer Caalami ah oo kubada Lalisla oo ay ka qeyb qaadanayeen 18 macalin oo xirfada macalinimo la barayay ayaa lagu soo gebagebeeya Magaalada muqdisho waxaana xaflada xeritaanka kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababar heer Caalami ah oo kubada Lalisla oo ay ka qeyb qaadanayeen 18 macalin oo xirfada macalinimo la barayay ayaa lagu soo gebagebeeya Magaalada muqdisho waxaana xaflada xeritaanka kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeeed, madaxda xiriirka kubadda La laliska, madaxda xririirada kale gediasan iyo Marti sharaf kale.



Tababarkan oo mudo 12 maalin socday waxaa soo qaban qaabiyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed waxaana bixiyaynay laba Macalin oo u kala dhashay dalalka Mauritius iyo Ethiopia.

Ugu Horeyn waxaa xaflada ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda LaLiska Cabduqaadir Cumar Abuukar, waxuuna sheegay in ujeedka tababarka loo qabtay ay ka dambayso sidii xiriirka ku yeelan lahaa Macalimiin wax soo saar wanaagsan yeesha ,waxuuna macaliinta seminarka ka qayb galay uu kula dardaarmay in aqoonta la baray ay si wanaagsan u gubiyeen bahda kubadda la liska waxuuna mahad celin usoo jeediyay Guddiga Olombikad Soomaaliyeed oo suura geliyay tababarkan.

Sidoo Kale waxaa goobta ka hadlay Labada Macalin ee tababrka bixinayay Apaddo oo u dhashay Muritoius oo marki labaad tababar ka bixiyay Soomaliya iyo Alamayu oo Ethiopia u dhashay waxayna sheegeen in macalimiinta cusub ay aad uga faa’iidaysteen casharadii la siiyay iyo tababarki ay garoonka Wiish ku qaaten mudada 12 maalin ah waxayna mahad celi n usoo jeediyeen Guddiga Olombikda oo sura geliyay iyo dhamaan masuuliyiintii socodsiinta tabbarka ka caawisay.

Ugu dambayn waxaa xaflada soo xeray guddoomiyaha Gos, Cabdullaahi Axmed Tarabi waxuuna sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay horumarinta xiriirada isboortiga gobolada dalka si ay macaliinta wax uga soo saaraan iskuudla degmooyin iyo gobolada ” in la helaa ciyartooy wanaagsan waxay ku xeran tahay in marka hore la tababaro macalimiin wanaagsan ayuu Gudoomiye Tarabi yiri.

Guddoomiye Tarabi ayaa macalimiinta u sheegay in ay saaran tahay masuuliyad qaran laga doonayo in ay kasoo dhalaalaan.

Macalinmiinta ka qayb gashay oo ka koobnaa 18 macalin oo isugu jiray wiilal iyo gabdho kana yimid maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyinki ay tababarka uga qayb galeen.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafoow

Waaxda Warfaafinta Gos



 

_MG_3684 _MG_3705 IMG_1952 IMG_2268 IMG_3175 IMG_3912DSC02489DSC02528IMG_3962IMG_3965IMG_3978IMG_3983IMG_4002IMG_4008IMG_1930

DSC02489 DSC02513 DSC02528 IMG_4002 IMG_4031 IMG_4059 IMG_4069 IMG_4118 IMG_4124 IMG_4129 IMG_4142 IMG_4160IMG_4150IMG_4160IMG_4166IMG_4172IMG_4174IMG_4181IMG_4184IMG_4188IMG_4194




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.