Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka cayaaraha fudud ee Soomaliya oo guddomiye Cusub yeeshay +Sawirro

0
Tuesday December 15, 2015 - 20:52:58 in Xiriirka Ciyaaraha Fudud by Nocsom Editor
  • Visits: 1695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka cayaaraha fudud ee Soomaliya oo guddomiye Cusub yeeshay +Sawirro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee cayaraha Fudud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay Shir sanadeedka xiriirkaas, waxaaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradd a dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga Olombikada, madaxda Xiriirada , Madaxda naadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee cayaraha Fudud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay Shir sanadeedka xiriirkaas, waxaaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradd a dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga Olombikada, madaxda Xiriirada , Madaxda naadiyada cayaaraha Fudud iyo Marti sharaf kale.

Ugu Horeyn waxaan xafladaWarbixinta waxqabadkan xiriiirka Cyaaraha Fudu ee sanadkan 2015 iyo qorshaha 2016 qaab Docomentary ah usoo bandhigay Xoghayaha Guud ee Xiriirka Maxamed Cabdullaahi Dhaaleey taasoo ay aad ugu riyaaqeeen masuuliyiintii xaflada ku sugnaa .

Agendaha Shirka oo ahaa sidii loo buuxin lahaa booskii uu ka geeriyooday guddoomiyihii hore ee Xirirka Alle Ha unaxariistee Prof: Maxamed Cali Maxamed ayay kooxaha iyo Ururuda Xiriirka cayaaraha Fudud cod gacan taag ah ugu codeyeen Marwo Khadiijo Aadan Daahir in ay noqoto Guddoomiytaha Xiriirka cayaraha Fudud.

Dhanka kale Axmed Gacal Rooboow oo xubin xirirka ahaa ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka afarad ee xiriirka cayaraha waxaan cod gacan taag ah ugu codeeyay kooxaha iyo ururada xiriirka.

Madaxa Xiriirada Gos Xaaji Maxamed Axmed Coloow , Madaxa Amuuraha Gobolada Gos, IBraahin Xuseen Cali Roombe iyo Agaasimaha Waaxda IsboortigaC/Laahi Aabow Xuseen o o dhaman xafladla ka hdlay ayaa soo dhaweeyay Qabki wacna ay xiriirka cayaraha fudud isu doorteen waxayna kula dardaarmeen in ay u wada istagan horumarinta cayaraah Fudud.

Guddoomiyaha Ladoortay Khadiijo Aadan Daahir ayaa mahad celin balaarin usoo jeedisay dhamaan kooxaha iyo ururada sida aqabayada leh ugu doortay nin ay hogamiso xiriirka Cayaaraha Fudud,

Hogaanka xiriirka cayaaraha fudud ayaa la doortay BishiiJuly 2014, waxuuna hogaana cusub shaqayn donaa inta laga gaarayo dorasha xigta .

W/D:Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta Gos




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.