Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa soo saaray jadwalka horyaalka kubadda cagta dalka 2015-16 .                        
Sida ku xusan jadwalka uu maanta xiriirka soo saaray waxaa kulanka 
ugu horeeyay la ciyaari doona isniinta oo ay taariikhda ku beegan 
tahay 28 December waxana lagu daahfuri doonaa kooxaha Dekedda iyo Heegan
 oo horyaalka difaacanasya .
Madaxa Warfafinta Xiriirka kudbadda cagta Shaafici Muxudiin Isloow 
ayaa warsaxaafadeda uu soo saaray ku sheegay in xiriirkiisu go’aan ku 
gaaray la cayaro isniinta sababta ay tadhay si taageerayaasha Jecel 
kubada cagta ay u helaan fursad ay ku daawadaan cayaaraha caalamka ka 
dhacaya.
” sida an lawada socono boqolkiiba 95 dadkeena waa kuwa jecel 
kubadda cagta , waana sabata ka dambaysa in cayaraha la cayaaro 
maalmaha Isniinta ila Jimcaha , si ay u helaan fursad ay ku daawadaan 
horyaalada calamka ka dhcaya maalmaha Sabtida iyo Axad a” Ayuu 
warsaxafadedkiisa ku yiri madaxa warfaafinta Xiriirka kubadda cagta .
Shaafici ayaa intaa ku daray in Sanadkan uu horyaalka ka xiiso badnan
 doono sanadki lasoo dhaafay isla markaana 10 koox ee ka qayb galaya 
horyaalka ay diyaar garow usoo galeen horyaalka, iyadoo cayartooyda 
ajanibta soo korotay sanadkan ay horyaalka xiiso gaar ah u yeeli 
doonaan.
Kulanka ugu horeeya Horyaalka waxaa Isniinta siaga hor iman doona Kooxaha Heegan iyo Dekedda
Haddaba halkan ka aqrsio Jadwalak oo dhamsytiran
Somali League fixtures
            
      
Xiriirka Kubadda cagta oo soo saaray isku aadka horyaalka 2015-16 , Xilli Kulanka ugu adag lagu daah furayo
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa soo saaray jadwalka horyaalka kubadda cagta dalka 2015-16 .