Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalka kubada cagta 2015-16 oo Furmay iyo Heegan oo Guuldarro ku bilowday

0
Tuesday December 29, 2015 - 11:30:20 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalka kubada cagta 2015-16 oo Furmay iyo Heegan oo Guuldarro ku bilowday

    Horyaalka heerka koowad ee kubada cagta dalka 2015-16 ayaa shalay galab ka furmay garoonka Banaadir ,waxaanan xafadlaii furitaanka kasoo qayb galay guddiga Fulinta xiriirka kubada cagta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horyaalka heerka koowad ee kubada cagta dalka 2015-16 ayaa shalay galab ka furmay garoonka Banaadir ,waxaanan xafadlaii furitaanka kasoo qayb galay guddiga Fulinta xiriirka kubada cagta.


Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Cagta Cabdiqani Saciid Carab oo daah furay horyaalka ayaa sheegay in horyaalka sanadkan ay ka qayb galayaan 10 koox isla markaana uu noqonayo horyaalkii ugu horeeyay oo si toos ah loo tabiyo waxuuna uga mahad celiyay Universal TV oo tabinaysay .

Kulanka ugu horeeyay horyaalka waxaa lagu daah furay Kooxda Heegan oo horyaalka difaacansya iyo Dekeddaq oo kaalinta afaraad ka gashay horyaalki tagay.

Labada koox ayaa soo bandhigay cayaar wanaagsan iyadoo kooxda Heegan uu daqiiqadi 45 dhamadka qaybta hore uu roose ka qaatay Maxamed AXmed Maxmuud o No 11 u qaata.

Heegan o 10 cayaaryahan ku cayaaraysa aya qaybta kabaad marki laysku soo laabtay heshay dhowr fursad oo ay gool ku dhalin kartay m basle ka fa’iidayusan wayusay waxaana daqiiqadi 93 gool ka dhaliyay Cadbuqadir Muxyadii Yarisi oo badal kusoo galay.

Waa guuldaradii 3 oo xiriir ah oo soo gaarasya kooxda Heegan, halka Dekedda ay gaartay guushii labaad 7 kulan ay ka hortagtay.

Jaalihii ugu horeeyay ee Horyaalka waxaa qatay Cabaas Amiin Maxamed oo No14 u qaata kooxda Dekedda.

Roosihii ugu horyaalka waxaa qaatay Maxamed Axmed Maxamuud (Larsen) oo No 11 u qaata kooxda Heegan.

Goolkii ugu koowaad horyaalka 2015-16 Waxaa shabaqa ku hubsaday C/qaadir Muxyadiin Xasan (Yariis) oo NO.17 u qaata kooxda Dekedaha.

Kulanka waqxa garsoore ka ahaa Xasan Aadan Xaaji Yabaroow Wiish.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Sawir Qaade: Maxamed Xuseen Qalinle

 

 

Daawo Sawirada:

IMG_0015 IMG_0034 IMG_0040 IMG_0067 IMG_0073 IMG_0077 IMG_0097 IMG_0109 IMG_0120 IMG_0126 IMG_0143 IMG_0171 IMG_0181 IMG_0196 IMG_0203 IMG_0223 IMG_0252 IMG_0263 xa xf xg xh xr xs xx xxx




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.