Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shirweynaha Guddiga Olombikada Soomaliyeed oo lagu qabtay magaalada muqdisho+Sawirro

0
Friday January 08, 2016 - 03:43:36 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha Guddiga Olombikada Soomaliyeed oo lagu qabtay magaalada muqdisho+Sawirro

    Shirkan oo sanadkiiba mar laqabto ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxed C/laahi xasan nuux , Xildhibaano, wasiiro hore , maamulka gobolka Guddiga Fulinta Gos, Madaxda Xiriirada, Ururuada , Zoonanka gobolada dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan oo sanadkiiba mar laqabto ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxed C/laahi xasan nuux , Xildhibaano, wasiiro hore , maamulka gobolka Guddiga Fulinta Gos, Madaxda Xiriirada, Ururuada , Zoonanka gobolada dalka iyo marti sharaf kale.

Shirweynaha oo soconayay 6-7 January ayaa waxaa warbixin lagu falanqeynayo waxyaabihii GOS u qabsoomay sanadkii Tagay ee 2015 Gudaha iyo dibadda iyo waxa hada uqorsheeysan ineey qabtaan sanadkan oo ay kamid aheyd Faahfaahinta dhaqaalaha soo gala Gos iyo sida ay uqarashaareyso waxaa soo Jeediyay Xoghayaha Gos Duran Axmed Faarax ,waxaana warbixinta si weyn ugu riyaaqay Madaxda shirka ku sugnayd.

Sidoo Kale waxaa shirka ka hadlay Xildhibaan Pro: Cabraxmaan Xaaji Aadan (Ibi) Ex Wasiirkii hore ee Gaadiidka Saciid Jaamac Qorsheel, Taliyaha ciidanka Asluubta sareeye gaas Bashiir Maxed jaamac Bashiir Goobe, waxayna amaan usoo jeediyeen Gos oo dowladda aanan garab kahelayn isboortiga horumarintiisa u istaagtay waxayna si gaar ugu hambalyeeyeen. dadaalka xagga maamul wanaaga iyo habka wanaagsan ay u soo bandhigeen warbixin sanadeedka dhanka dhaqalaha oo tusaale wanaagsanah.

. Masuuliyiinta ayaa dhanka kale Wasiirka dhalinyarda iyo isboortiga oo goobta ku sugnaa ka codsaday in uu dadaal u galo sidii Gos iyo Xiriirada ay Miisaanyad uga heli lahayeen Xukumada iyo dib u soo celinta Garoonka Istadio Muqdisho iyo garoomadii kooxaha dalka.

Wasiirka dhalinyarada isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo shirweynaha ka hadlay ayaa tilmaamay in Wasaaraddiisu ay ka go’an tahay horumarinta Isboortiga , waxuuna ku baaqay in la qabto shirweyne ay ku kulmayaan Wasaaradda ,Gos,xiriirada iyo odayaashii hore ee isboortiga taasoo ah ari ay ku xalin karaan dhibaatooyinka jira guud ahaan ayna si wadajir ah guul uga gaari karaan sidii ay dowladda uu qancin lahaayeen in ay kaalin muuqata ka qaadato horumarka isboortiga dalka.

Guddoomiyaha Gos Cabdullaahi Axmed Tarabi oo shirweynaha soo xeray ayaa sheegay in Gos oo heshiis la gaartay shirkad Hantdhowr ah iyo Qareen oo kala shaqeeya Horumarinta isbootiga ,

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale madaxda xiriirada iyo Soonanka kula dardaarmay in sanadkan 2016 ay sameeyaan isbedel weyn , gaar ahaan Gobolada ay ka guuraan hanaanka Magacaabista oo ay u dhaqaaqaan hab doorasho, waxuuna ugu dambayn u mahad celiyay dhamaan masuuliyiintii kasoo qayb gashay shorwanaha.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

 Waaxda Warfaafinta Gos


IMG_0902 IMG_0906 IMG_0934 IMG_0939 IMG_0961 IMG_0981 IMG_1007 IMG_1011 IMG_1026 IMG_1069 IMG_1075 IMG_1078 IMG_1094 IMG_1123 IMG_1142 IMG_1182 IMG_1203 IMG_1213 IMG_1236



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.